Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed ka dejisay degmada Waajid ee gobolka Bakool, kuwaas oo loo diyaariyey inay ka howlgalaan saldhigga booliska degmada.
Guddoomiyaha degmada Waajid, maamulka iyo saraakiisha amniga ayaa si diirran u soo dhoweeyey ciidamada, kuwaas oo tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa lagu soo dhoweeyey hoolka degmada, halkaas oo guddoomiyuhu kula dardaarmay inay gutaan waajibaadkooda shaqo, ilaaliyaan amniga, u adeegaan bulshada, isla markaana dhowraan sharciga.
Imaatinka ciidamada ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga degmada Waajid, iyadoo la sheegay in markii hore aysan degmada ka jirin ciidan boolis oo leh saldhig u gaar ah.


