Ciidamada Laftagareen oo gudaha u galay Buurhakaba kadib dagaal culus

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal qaraar oo saaka ka dhacay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, kaas oo u dhexeeyay ciidamada taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Aadan Madoobe, kuwaas oo ku sugnaa degmada.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Buurhakaba ayaa sheegaya in ciidamada Laftagareen ay gudaha u galeen degmada, kadib dagaal xooggan oo saaka halkaasi ka qarxay.

Isku dhaca ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan gacan ku haynta deegaano muhiim ah.

Ilaa hadda, si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka, mana cadda xaaladda guud ee degmada iyo sida ay wax uga jiraan goobaha ay ciidamada ku dagaallameen.

Xaaladda Buurhakaba ayaa weli u muuqata mid kacsan, waxaana isha lagu hayaa wararka dheeraadka ah ee kasoo baxaya dagaalka iyo halka ay ku dambeyn doonto gacan ku haynta degmada.

WARARKII KALE

Farmaajo oo si adag uga horyimid jadwalka doorashada federaalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo Boolis ah geysay degmada Waajid

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka tirsan Booliiska...

Waqtiga la qabanayo doorashada Heer Federaal oo la shaaciyay

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada ayaa si rasmi...

Trump oo ka shaqeynaya in Ilhan Omar laga soo masaafurayo Mareykanka

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa wada baaritaan la xiriira...

Kenya oo xaqiijisay kiiskii labaad ee Cudurka Ebola. Yaa laga helay, sideese loola tacaalay

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii labaad ee nooca Bundibugyo ee...

Munaasabadaha waaweyn ee caalamiga ah ee Sacuudiga oo la baajiyay ama dib loo dhigay

Iyadoo weerarrada Xuutiyiinta ee lagu beegsanayo garoomada diyaaradaha waaweyn...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles