Tuesday, January 13, 2026

Madaxweyne xasan sheikh oo dalka Qatar ugu qeyb galaya shir looga hadlayo amniga iyo siyaasada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Madasha Dooxa ee lagaga arrinsanayo amniga, siyaasadda iyo iskaashiga horumarineed.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Hamad International Airport waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Qatar, iyadoo booqashadiisa ay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee labada dal.

Inta uu ku sugan yahay Dooxa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulammo la qaadan doona Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad iyo madaxda dalkaas oo ay ka wada hadlayaan xaaladda gobolka iyo mustaqbalka xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Ka qeyb-galka Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Madasha Dooxa ayaa fursad wanaagsan u ah muujinta muuqaalka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo xoojinta wada-hadallada caalamiga ah ee ku saabsan amniga iyo mustaqbalka gobolka.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles