Tuesday, January 13, 2026

Eritrea oo sii daysay 13 qof oo ku xirnaa xabsiga milateri ee wadankaasi

Dawladda Eritrea ayaa sii daysay 13 qof oo ku xidhnaa xabsiga milateri ee Mai Serwa ku dhawaad 18 sano, sida ay BBC-da u sheegeen qaraabada dadka la sii daayay.

Kooxdan oo ka koobnayd ganacsato, saraakiil booliis iyo xirfadlayaal ayaa afarta December dib ugu laabtay qoysaskooda.

Qaar ka mid ah dadkii ku xidhnaa xabsigan Mai Serwa oo aan rabin in la magac dhabo ayaa  sheegay in maxaabiista la xidhay Oktoobar 2007, kadib isku day dil oo lagu qaaday Taliyihii Amniga Gudaha ee xilligaas, Colonel Simon Gebredingil. Arrintan ayaa lala xidhiidhay kiis ku lug lahaa labo ganacsade.

Ishan ayay BBC-du waka ka hesay ayaa intaasi ku dartay in qiyaastii 30 qof la xidhay bilowgii. Qaar ayaa muddooyi kala duwan la sii daayay, laakiin ku dhawaad 20 qof ayaa weli xidhan.

Waxaa ka mid ah kuwa la sii daayay, ciyaaryahankii hore ee tartanka baaskiilka Olombikada iyo ganacsadaha la yidhaahdo Zeragabir Gebrehiwot; ganacsatada caanka ah Tesfalem Mengsteab iyo Bekure Mebrahtu iyo laba nin oo walaalo ah, oo la kala yidhaahdo injineer David Habtemariam iyo joometeer Matthews Habtemariam.

Lix xubnood oo ka tirsan booliiska Eritrea ayaa sidoo kale la sheegay inay ka mid yihiin dadka muddada dheer xidhnaa oo ay ku jiraan madax hore oo ka tirsanaa ka hortagga dambiyada, baadhitaanka dambiyada, maaliyadda iyo maamulka, kormeerka iyo sidoo kale hal kaptan iyo laba dambi baadhayaal oo sare.

Saraakiil hore oo ka tirsanaa Amniga Gudaha ayaa sidoo kale la sheegay in la sii daayay.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles