Saturday, May 30, 2026

Eritrea oo sii daysay 13 qof oo ku xirnaa xabsiga milateri ee wadankaasi

Dawladda Eritrea ayaa sii daysay 13 qof oo ku xidhnaa xabsiga milateri ee Mai Serwa ku dhawaad 18 sano, sida ay BBC-da u sheegeen qaraabada dadka la sii daayay.

Kooxdan oo ka koobnayd ganacsato, saraakiil booliis iyo xirfadlayaal ayaa afarta December dib ugu laabtay qoysaskooda.

Qaar ka mid ah dadkii ku xidhnaa xabsigan Mai Serwa oo aan rabin in la magac dhabo ayaa  sheegay in maxaabiista la xidhay Oktoobar 2007, kadib isku day dil oo lagu qaaday Taliyihii Amniga Gudaha ee xilligaas, Colonel Simon Gebredingil. Arrintan ayaa lala xidhiidhay kiis ku lug lahaa labo ganacsade.

Ishan ayay BBC-du waka ka hesay ayaa intaasi ku dartay in qiyaastii 30 qof la xidhay bilowgii. Qaar ayaa muddooyi kala duwan la sii daayay, laakiin ku dhawaad 20 qof ayaa weli xidhan.

Waxaa ka mid ah kuwa la sii daayay, ciyaaryahankii hore ee tartanka baaskiilka Olombikada iyo ganacsadaha la yidhaahdo Zeragabir Gebrehiwot; ganacsatada caanka ah Tesfalem Mengsteab iyo Bekure Mebrahtu iyo laba nin oo walaalo ah, oo la kala yidhaahdo injineer David Habtemariam iyo joometeer Matthews Habtemariam.

Lix xubnood oo ka tirsan booliiska Eritrea ayaa sidoo kale la sheegay inay ka mid yihiin dadka muddada dheer xidhnaa oo ay ku jiraan madax hore oo ka tirsanaa ka hortagga dambiyada, baadhitaanka dambiyada, maaliyadda iyo maamulka, kormeerka iyo sidoo kale hal kaptan iyo laba dambi baadhayaal oo sare.

Saraakiil hore oo ka tirsanaa Amniga Gudaha ayaa sidoo kale la sheegay in la sii daayay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo Maka kula kulmay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Duqeymo culus oo lagu Beegsaday goobo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada dhexe iyo Shabeellaha Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo culus oo...

Aadan Madoobe oo si adag ugu Jawaabay Lafta gareen

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Musharaxa...

Iiraan iyo Mareykanka oo gaaray heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta

Mareykanka iyo Iiraan ayaa Khamiistii gaaray heshiis lagu kordhinayo...

Netanyahu oo ciidamada Israa’iil ku amray inay kordhiyaan gacan-ku-haynta Qasa ilaa 70%

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu ciidamada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles