Dagaal ka qarxay Magaalada Boorama iyo wararkii ugu dambeeyay

Dagaal xooggan ayaa saaka ka qarxay gudaha magaalada Boorama ee gobolka Awdal, iyadoo iska horimaadku uu u dhexeeyo ciidamada Soomaaliland iyo shacabka deegaanka oo dibadbaxyo ballaaran sameeyay.

Iska horimaadkan ayaa yimid kadib markii shacabku ay dhigeen bannaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan Bandhiga Xeerka Ciise, oo ay Xukuumadda Soomaaliland ku dhawaaqday in lagu qabanayo magaalada Seylac.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in bandhiggaasi uu dhaawacayo dhaqanka iyo isu dheelli tirka beelaha gobolka.

Inta lagu guda jiray bannaanbaxyadii  ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah kadib markii ciidamada ammaanka Soomaaliland ay adeegsadeen rasaas, taas oo sii kicisay caro iyo abaabul ay sameeyeen dhalinyaro hubeysan oo saaka dagaal kula baxay ciidamada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay tahay mid aad u kacsan, iyadoo qaar ka mid ah xaafadaha Boorama laga maqlayo dhawaqa rasaas culus.

Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka socda, maadaama ay adagtahay in la helo xog sax ah oo ku saabsan dhimashada iyo dhaawaca.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliland ama odayaasha dhaqanka ee gobolka oo ku saabsan xaaladda cusub, balse bulshada ayaa cabsi xoog leh ka qabta in dagaalku sii fido.

Xaalada Boorama ayaa ah mid weli kacsan, iyadoo dhaq dhaqaaq ciidan iyo abaabul shacab uu weli magaalada ka socdo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dowladda Shiinaha oo ugu baaqday Israa’iil in ay joojiso arrin ay ka wado gudaha Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa ugu baaqay...

Mudanayaasha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo maanta cod...

Trump oo sheegay inay dhagaystaan wadahadalada madaxda Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu awood...

Lugatoor oo ku baaqay in laga hortago doorashada ay ku dhawaaqday DFS

Madaxda sare ee Puntland ayaa ku baaqday in si...

Lafta gareen oo war ka soo saaray deegaanada ay qabsadeen ciidankiisa taageersan

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles