Deni oo xalay kulan la qaatay Xildhibaanada, Muxuu kala hadlay?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay xarunta madaxtooyada Garoowe kulan casho ah kula qaatay xildhibaannada baarlmaanka, wuxuuna uga warbixiyay safarkiisii dibada iyo siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa safarkiisa dalka Imaaraadka Carabta ku sheegay mid isaga gaar u ahaa oo la xiriiray arrimo caafimaad. Sidoo kale wuxuu u sheegay in uu aadayo magaalada Nairobi, halkaas oo ay kulan ku yaalan doonaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo dalalka daneeya siyaasadda Soomaaliya.

Xilidhibaanada kulan ka qeybgalay oo 40 gaarayay ayaa waxay qaarkood madaxwaynaha la wadaageen arrimo ay sheegeen in ay tahay in wax laga qabto, kuwaas oo ay ka mid yihiin garsoorka Puntland, xilal muddo dheer bannaan iyo mas’uuliyiin ay ku tilmaameen kuwa shaqada ay hayaan aan ku habboonayn.

Inkastoo madaxweynuhu uu la kulmay xildhibaanno intooda badan taageersan siyaasadiisa, haddana waxaa jiray xildhibaano ka soo hor jeeday qaabka uu madaxweynuhu wax u wado.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles