Xubnaha Golaha Mustaqbal Soomaaliyeed oo kulan ku yeelanaya Nairabi

Siyaasiyiinta ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa la filayaa inay kulan muhiim ah ku yeeshaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo wararka soo baxaya ay sheegayaan in xubno badan oo mucaaradka ka tirsan ay halkaasi horey ugu sugnaayeen, kuwa kalena ay u socdaan.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa shalay gaaray Nairobi, halkaas oo qaar ka mid ah madaxda mucaaradka ay ku sugnaayeen, iyadoo sidoo kale la filayo in Madaxweynaha Puntland iyo hoggaamiyeyaasha kale ee mucaaradka ay halkaasi ku biiraan.

Wararka ayaa muujinaya in siyaasiyiintan ay magaalada Nairobi kulammo kula yeelan doonaan xubnaha beesha caalamka, kuwaas oo si dhow ula socda xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda ka taagan hanaanka doorashooyinka qof iyo cod, oo ay si weyn u diidan yihiin xubnaha ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnahan mucaaradka ahi ay beesha caalamka la wadaagi doonaan aragtidooda ku aadan xaaladda dalka, iyagoo adkaynaya muhiimadda ay leedahay in dalka ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay oo waqtigeeda ku dhacda.

Tallaabadan ayaa laga yaabaa inay dib u dhigto shirweynihii mucaaradka ee qorshuhu ahaa inuu bishan ka dhaco magaalada Kismaayo, maadaama mucaaradku doonayaan inay si adag uga hor yimaadaan dhaqangelinta doorashada qof iyo cod ee ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa hadda si weyn isha loogu hayaa waxa ka soo bixi doona kulammada siyaasadeed ee Nairobi ka socda, kuwaas oo saameyn toos ah ku yeelan kara jihada siyaasadeed ee dalka xilligan kala guurka ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dowladda Shiinaha oo ugu baaqday Israa’iil in ay joojiso arrin ay ka wado gudaha Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa ugu baaqay...

Mudanayaasha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo maanta cod...

Trump oo sheegay inay dhagaystaan wadahadalada madaxda Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu awood...

Lugatoor oo ku baaqay in laga hortago doorashada ay ku dhawaaqday DFS

Madaxda sare ee Puntland ayaa ku baaqday in si...

Lafta gareen oo war ka soo saaray deegaanada ay qabsadeen ciidankiisa taageersan

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles