Aadan madoobe iyo xildhibaano kale oo isku raacay in markale Lafta gareen loo dhiso MW Koofur galbeed

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay kulan siyaasadeed oo muhiim ah, kaas oo ka qabsoomay hoyga uu magaalada ku degan yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulankaas ayaa waxaa iskugu yimid qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Koofur Galbeed.

Kulanka ayaa waxaa hoggaaminayey Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Wararka kasoo baxay kulanka ayaa sheegaya in Xildhibaanada iyo Madaxweyne Laftagareen ay isla qaateen go’aanka ah in mar labaad ay u dhisayaan Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, taas oo sii xoojinaysa qorshaha Laftagareen uu ku doonayo inuu ku helo taageero ballaaran.

Kulamadan ayaa loo arkaa tallaabo uu Madaxweyne Laftagareen ku doonayo inuu ku kasbado beelaha iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed, iyada oo uu Muqdisho ka wado socdaallo iyo kulamo siyaasadeed oo xoogan.

Horey, Madaxweyne Laftagareen ayaa heshiisyo kala duwan la galay siyaasiyiinta isaga ka soo horjeeday oo uu horeeyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo siyaasiyiin kale, si uu u ballaariyo saameyntiisa siyaasadeed.

Sidoo kale, Laftagareen ayaa la filayaa inuu sii wado kulamo uu la yeelanayo beelo iyo hoggaamiyeyaal kale oo siyaasadeed, si uu u helo taageero cusub oo ku aaddan qorshihiisa mustaqbalka siyaasadeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles