Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Madaxa Guddiga Samatabbixinta ee IRC

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee Guddiga Caalamiga ah ee Samatabbixinta (IRC), David Miliband, oo booqasho shaqo ku yimid dalka.
Kulankan heerkiisu sarreeyo ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo agaasimuhu kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga bani’aadannimo iyo in gurmad degdeg ah la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta daran ee ka jirta qeybo ka mid ah dalka, iyadoo la isla soo qaaday in tiro dhan 4.4 milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah in ay u baahan yihiin gurmad, Ra’iisul Wasaaraha ayaana muujiyey welwelka xukuumadda ee ku aaddan xaaladda dadkaas.
David Miliband ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya dadaallada ay waddo waxaana uu ballan qaaday in IRC ay kordhin doonto kaalmada bini’aadannimo si loogu gurmado dadka u baahan ee abaaruhu saameeyeen, waxa kale oo uu ka hadlay in IRC ay qeyb ka tahay mashaariicda horumarinta, waxna ka qaban doonto, isaga oo dhanka kale sheegay in uu Beesha Caalamka uga ergeyn doono arrimaha Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku boggaadiyay Mudane David iyo IRC in waxtarkooda ay ku saleeyaan xalka waara, wuxuuna xusey in xukuumadda ay danaynayso sidii dadka Soomaaliyeed oo dhan u gaari lahaayeen heer isku filnaansho ah, caalamkana taas uu kala shaqeeyo dowladda.
Mudane Xamsa ayaa hadyaddo guddoonsiiyay David Miliband oo mar noqday Xoghayaha Arrimaha Dibedda Boqortooyada Ingiriiska, haatana ah madaxda samofalka caalamka ugu caansan, wuxuuna si gaar ah uga mahadceliyay maadaamaa uu tixgalin gaar ah soo siiyay imaanshaha Soomaaliya xilli loo baahnaa.
Kulankan dhexmaray Ra’isulwasaaraha iyo madaxda ugu sareysa IRC ayaa imanaya xilli Mudane Xamse uu sii wado hawlaha isu duwista iyo isku xirka ka jawaabista xaaladda abaarta dalka ka taagan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dowladda Shiinaha oo ugu baaqday Israa’iil in ay joojiso arrin ay ka wado gudaha Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa ugu baaqay...

Mudanayaasha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo maanta cod...

Trump oo sheegay inay dhagaystaan wadahadalada madaxda Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu awood...

Lugatoor oo ku baaqay in laga hortago doorashada ay ku dhawaaqday DFS

Madaxda sare ee Puntland ayaa ku baaqday in si...

Lafta gareen oo war ka soo saaray deegaanada ay qabsadeen ciidankiisa taageersan

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles