Friday, April 10, 2026

Mucaaradka oo ku dhawaaqay dowlad kale inay dhisayaan haddii MW Xasan Sheekh uu wadahadalo furi waayo bil gudaheed

War saxaafadeed ayaa laga soo saaray shirka Golaha mustaqbalka Soomaaliyeed ee Mucaaradka oo ay ku mideysan yihiin maamulada Jubbaland iyo Puntland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, kaasi oo maalmahan ka socday magaalada Kismaayo.

Shirka Kismaayo ayaa laga soo saaray 17 qodob oo looga hadlay xaalada Siyaasadeed uu xiligan marayo dalka, gaar ahaan amniga, Dhaqaalaha, doorashooyinka iyo wax ka badalka lagu sameeyay Dastuurka dalka.

Golaha Wadatashiga ayaa ku hanjabay in ay qabsan doonaan doorasho haddii muddo bil gudaheed ah uu wada hadal furi waayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

“Madaxweynuhu hadduu muddo bil ah ku furi waayo wada-hadal doorasho… waxa goluhu diyaarinayaa doorasho uu dalka ka qabanayo.”

Golaha Mustaqbalka “Doorashada Banaadir waa mid hal koox wadato.. heshiisna laguma aha maqaamka caasimad.”

Shirweynaha aayo-katashiga Soomaaliyeed oo ay isugu yimaadeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, mudanayaal ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Siyaasiyiin horay xilal kala duwan uga soo qabtay Dalka iyo qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah, ayaa isku raacay in Madaxweynuhu uu dayacay ammaankii Dalka, isagoo gebi ahaanba joojiyey dagaalkii lagula jiray argagixisada Al-shabaab, ciidankii xoogga Dalkana u loogay cadowga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in duqeyn ka dhacday Mudug lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay duqeyn ka...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebaha magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Xasan Sheekh, Xamsa iyo Qoor Qoor oo ka shiray doorashada Galmudug

Kulan xasaasi ah ayaa ka dhacay Villa Soomaaliya, kaas...

Askari ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug...

Raysal wasaaraha UK oo ka degay Imaaraadka

Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa gaaray Imaaraadka Carabta,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles