Sunday, December 21, 2025

Maraykanka oo markabkii labaad ka qabsaday xeebaha Venezuela

Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay markab shidaal oo dhawaan ka soo ambabaxay dalka Venezuela, sida ay sheegtay waaxda amniga gudaha Mareykanka.

Waa markabkii labaad ee nooca shidaalka qaada oo bishan gudaheeda uu Maraykanku ku qabto xeebaha dalkaas,

Tallaabadan ayaa timid kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Talaadadii sheegay in uu amray in la xayiro maraakiibta shidaalka qaada ee soo galaya ama ka baxaya Venezuela.

Venezuela ayaan weli ka jawaabin qabashadii ugu dambeysay ee Mareykanka, balse waxay horey ugu eedeysay Washington inay dooneyso inay xado kheyraadka shidaalka.

Howlgalka ayaa waxaa hogaaminayay ciidamada ilaalada xeebaha Mareykanka, si lamid ah howlgalkii horaantii bishan. Markabka waxaaa saarnaa koox farsamo oo gaar ah, wuxuuna ku sugnaa biyaha caalamiga ah markii la qabsaday.”

Xoghayaha Waaxda Ammaanka Gudaha ee Mareykanka, Kristi Noem, oo waaxdeedu kormeerto Ciidanka Xeebaha, ayaa muuqaalka hawlgalka ku baahisay X.

“Howlgal subaxnimo hore oo bisha Dec 20, ciidamada ilaalada xeebaha Maraykanka oo taageero ka helay waaxda dagaalka ayaa qabtay markab nooca shidaalka qaada ah kaasoo xirashasdiisii ugu dembaysay ahayd Venezuela,” ayey qoraalkeeda ku tiri Noem.

Waxay sidoo kale soo bandhigtay muuqaal toddobo daqiiqo ah oo ku saabsan howlgalka, kaasi oo u muuqday mid muujinaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka oo ku degaya sagxada markab uu dhinac kaga qoran yahay magaca Centuries.

WARARKII KALE

Dowladda Federaalka oo ka fiirsanaysa in ay jawaabto go’aannadii ka soo baxay Shirka Kismaayo

Kadib go’aannadii ka soo baxay Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed...

Wafdi ka socda DFS oo Qaahira ugu Qayb galay Shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mucaaradka oo ku dhawaaqay dowlad kale inay dhisayaan haddii MW Xasan Sheekh uu wadahadalo furi waayo bil gudaheed

War saxaafadeed ayaa laga soo saaray shirka Golaha mustaqbalka...

DFS oo hakisay waxbarashada sabab la xiriirta doorashooyinka

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Shirka ka socda Kismaayo

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si faahfaahsan uga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles