Sunday, December 21, 2025

Dhismo casri ah oo lagu soo kor-dhiyay xarunta Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Xoghayaha Guud ee Golaha ayaa maanta kormeeray dhismo cusub oo ka kooban xafiisyo iyo qeybo kale oo casri ah, kuwaas oo lagu soo kordhiyey xarunta Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa intii uu kormeerka ku guda jiray si dhow u indha-indheeyey xafiisyada iyo qeybaha kala duwan ee dhismaha cusub, isagoo bogaadiyey mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada gacanta ku hayey hirgelinta dhismahan, kuna ammaanay dadaalka iyo tayada shaqo ee ay muujiyeen.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tilmaamay in dhismahan cusub uu wax weyn ka tari doono tayeynta iyo hufnaanta howlaha Golaha Shacabka, isla markaana uu kor u qaadi doono adeegyada shaqo ee uu Goluhu u hayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay horumarinta kaabeyaasha shaqo ee hay’adaha dastuuriga ah, si loo helo jawi shaqo oo ku habboon gudashada waajibaadka qaran ee Golaha Shacabka u xilsaaran yahay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo shir deg deg ah ka yeeshay amniga Doorashada

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (...

Wasiir Bashiir Goobe oo qiimeyn ku sameeyay Isbeddelka Cimilo ee Deegaannada Galmudug

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada ee XFS Bashiir...

Guddoomiyaha Doorashooyinka Qaranka oo la dardaarmay howlwadeennada Doorashada

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles