Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Hon. Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo ay wehliyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Xildhibaan Maxamed Cismaan Naastaro, iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta, Mudane Cismaan Macow, ayaa kormeer ku tagay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiintan ayaa u kuurgalay sida ay u socoto qaadashada kaarka codbixinta iyo diyaargarowga doorashooyinka goleyaasha deegaanka, iyaga oo sidoo kale shacabka degmada kala hadlay ahmiyadda ay leedahay wacyigelinta doorashooyinka iyo qaadashada kaarka codbixinta, maadaama ay tahay tallaabo muhiim u ah mustaqbalka dimuqraadiyadda dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS, Mudane Cali Xoosh, oo la hadlayay dadweynaha Degmada Kaaraan, ayaa xusay taariikhda gaarka ah ee degmada, isaga oo carrabka ku adkeeyey in qaadashada kaarka codbixintu ay laf-dhabar u tahay doorashada tooska ah ee Qof iyo Cod, taas oo muwaadiniintu si hufan, xor ah, una madaxbannaan ay ugu dooranayaan wakiilladooda goleyaasha deegaanka iyo hay’adaha sare ee qaranka.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in nidaamka doorashada Qof iyo Cod uu xoojinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka, iyo mas’uuliyadda hoggaanka la doorto.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha, wasiirrada la socday iyo maamulka degmada ayaa booqday xaafado ka tirsan Degmada Kaaraan, iyaga oo dadweynaha ku dhiirrigeliyey ka-qeybgalka doorashada iyo qaadashada kaararka codbixinta.

Wasiir Cali Xoosh ayaa sidoo kale la fariistay, lana sheekeystay qaar ka mid ah shacabka degmada, si uu u dhageysto aragtidooda iyo talooyinkooda ku aaddan geeddi-socodka doorashooyinka.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo ka digay abaabulka ciidan ee ka dhanka ah Sheekh Shariif

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa walaac xooggan ka muujiyay falal...

 Tirada khasaaraha ka dhashay weerarkii Riyadh oo korortay

Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in muwaadin...

Dad ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles