Maanta waxaa magaalada Muqdisho si weyn looga dareeray qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah, taasoo ah tii ugu horreysay ee noocan ah ee Gobalka Benaadir ka dhacda tan iyo sannadkii 1969-kii, taasoo la micno ah in muddo 56-sanno ah kadib ay shacabka Gobalka Benaadir dib ugu laabteen hab doorasho oo toos ah.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo guud ahaan shacabka Gobalka Benaadir, isagoo bogaadiyay guusha laga gaaray yoolka muddada dheer la higsanayay.
Geeddi-socodka doorashada qof iyo cod wuxuu ahaa mid shacabka Soomaaliyeed si weyn u sugayeen, waxaana muwaadiniintu fursad u heleen inay codkooda ku doortaan xisbiyada ay aaminsan yihiin inay matali karaan rabitaankooda.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa yiri: “Taariikh cusub oo dowladnimo ah ayay maanta qoreen shacabka Gobolka Banaadir, waana maalin xusuus mudan.”
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay hay’addaha amniga, isagoo ammaanay sida ay xil iskaga saareen sugidda amniga caasimadda Muqdisho intii lagu guda jiray qabsoomidda doorashada.


