Thursday, December 25, 2025

Guddoomiye Cabdikariim”Maqribnimadii caawa ayay soo xirmatay codeynta Doorashada”

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed Xasan oo goordhowed la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa ku dhawaaqay in si nabad ah oo guul leh u soo xirantay codaynay Doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir oo saaka loo dareeray 6:00 Subaxnimo,lana soo xidhay 6:00 makhribnimo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hanaanka codaynta doorashadu u dhacay si nabad ah shacabkuna si weyn ugu soo baxeen goobaha codaynta,halkaas oo lagu arkayey waayeelka,dhalinyaradda,haweenka iyo madaxda oo codkooda u dhiibanaya si habsami leh.

Dhinaca kale Guddoomiye Cabdikariim ayaa ku sheegay in saacadaha soo socda ay bilaaban doonto tirinta codadkii ay shacabku dhiibteen,inta tirintu socoto na ay goob joog ka ahaan doonaan,wakiilada ururrada Siyaasadda,bulshadda rayidka iyo wakiiladda Beesha Caalamka,si joogto ahna gudidda doorashooyinku warbixinta ula wadaagi doonto bulshadda”Maqribnimadii ayay soo xirmatay codeynta doorashada. Waxaa bilaabanaysa tirinta codadka, iyadoo ay goobjoog ka yihiin goobjoogayaal iyo wakiillo caalami ah, waxayna qaadan doontaa waqti yar.”ayuu yiri Guddomiyaha Guddida doorashooyinka qaranka.

Ugu dambayn guddoomiyaha ayaa u mahadceliyey ciidanka Booliiska,shaqaalaha ka shaqaynayey doorashadda,warbaahinta qaranka,warbaahinta madaxa banaan, shacabka ka qayb qaata codaynta iyo dhamaan cid walba oo ka qayb qaadatay in doorashadan hirgasho una qabsoomto si hufan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha hirshabelle oo bogaadiyay curashada doorasho qof iyo qod ah ee gobolka banaadir

Maanta waxaa magaalada Muqdisho si weyn looga dareeray qabsoomidda...

Maamulka koonfur galbeed oo bogaadiyey doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

RW Xamsa oo kormeeray goobaha codbixinta

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer...

MW Xasan Sheekh oo maanta codkiisa dhiibtay iyo fariin uu u diray Mucaaradka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta codkiisa ka...

Codeynta Doorashada Golaha deegaanka ee G/Banaadir oo weli socota(sawirro)

Codeynta ayaa saaka lixdii subaxnimo ka bilaabtay goobaha codbixinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles