Israa’iil oo shaacisay inay aqoonsatay Somaliland

War ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in Israel ay Somaliland u aqoonsatay dal madax banaan.

Hoos ka akhriso qoraalka.

Dawladda Dalka Israel ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, kadib kulan khadka fogaal-aragga ah (video conference) oo dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Raysal Wasaaraha Dalka Israel, Benjamin Netanyahu oo si rasmi ah u aqoonsaday Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka ayaa lagu muujiyey is-afgarad siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo istiraatiiji, iyada oo labada dhinac isla qireen xaqa ay Somaliland u leedahay aqoonsi buuxa iyo qaranimadeeda, isla markaana la isla meel dhigay in la bilaabo weji cusub oo yididiilo leh iyo xidhiidhka adag oo dhex mara labada dal.

Aqoonsigan taariikhiga ah ee ay Dawladda Israel u fidisay Somaliland waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland u furayaa bog cusub oo taariikhi ah oo ku aaddan iskaashi caalami ah, amni, dhaqaale, tiknoolajiyadeed iyo diblomaasiyadeed, isaga oo xoojinaya doorka Somaliland ee nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Raysal Wasaaraha Dalka Israel Benjamin Netanyahu ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda u fidiyey booqasho rasmi ah oo ku tegi doono dalka Israel si looga wada hadlo danaha iyo arrimaha mudnaanta u leh labada dal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Farmaajo oo si adag uga horyimid jadwalka doorashada federaalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo Boolis ah geysay degmada Waajid

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka tirsan Booliiska...

Waqtiga la qabanayo doorashada Heer Federaal oo la shaaciyay

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada ayaa si rasmi...

Trump oo ka shaqeynaya in Ilhan Omar laga soo masaafurayo Mareykanka

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa wada baaritaan la xiriira...

Ciidamada Laftagareen oo gudaha u galay Buurhakaba kadib dagaal culus

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal qaraar oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles