Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa taageero buuxda u muujisay madax-bannaanida, midnimada, iyo nabadgelyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana si xooggan uga horyimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku tilmaantay tallaabada aqoonsiga Somaliland ee dowlada Israa’iil mid kaligi-talisnimo ah oo lid ku ah sharciga caalamiga.
Wasaaradda ayaa sidoo kale caddeysay in Sacuudigu uu diidan yahay isku day kasta oo lagu doonayo in la dhiso dowlad kale oo la mid ah Soomaaliya, taasi oo ay sheegtay in khilaafsantahay midnimada Soomaaliya.
Wasaaradu waxay muujisay taageerada uu Sacuudiga u hayo hay’adaha sharciga ah ee dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale muujisay in ay taagero u hayso xasilloonida dalka iyo dadka Soomaaliya.
War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga waxa uu muujinayaa sida Sacuudigu uga go’an yahay midnimada Soomaaliya, iyo sida uu uga soo horjeedo talaabo kasta oo halis gelin karta xasilloonida gobolka iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Soomaaliya.


