Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa taageero buuxda u muujisay  madax-bannaanida, midnimada, iyo nabadgelyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana si xooggan uga horyimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku tilmaantay tallaabada aqoonsiga Somaliland ee dowlada Israa’iil mid kaligi-talisnimo ah oo lid ku ah sharciga caalamiga.

Wasaaradda ayaa sidoo kale caddeysay in Sacuudigu uu diidan yahay isku day kasta oo lagu doonayo in la dhiso dowlad kale oo la mid ah Soomaaliya, taasi oo ay sheegtay in  khilaafsantahay midnimada Soomaaliya.

Wasaaradu waxay muujisay taageerada uu Sacuudiga  u hayo hay’adaha sharciga ah ee dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale muujisay in ay taagero  u hayso xasilloonida dalka iyo dadka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga waxa uu muujinayaa sida Sacuudigu uga go’an yahay midnimada Soomaaliya, iyo sida uu uga soo horjeedo talaabo kasta oo halis gelin karta xasilloonida gobolka iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles