Saturday, December 27, 2025

Wadamo iyo Ururo ka horyimid aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil

Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid ah u muujiyay diidmo adag oo ka dhan ah aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland, iyagoo mar kale adkeeyay taageerada buuxda ee ay u hayaan madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa caddeysay garab-istaagga Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya, iyadoo aqoonsiga Israa’iil ku tilmaantay tallaabo sharci-darro ah oo ka hor imaneysa xeerarka caalamiga ah.

Jamhuuriyadda Ciraaq, oo hadda guddoomiyaha Jaamacadda Carabta, ayaa sheegtay in tallaabadan ay xadgudub ku tahay madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana ay khatar ku tahay amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Jamhuuriyadda Yemen ayaa si cad u diidday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiriir ama aqoonsi u dhexeeya Israa’iil iyo maamulka Somaliland.

Dowladda Kuwait ayaa mar kale caddeysay taageerada buuxda ee ay u hayso madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo si adag u diidday tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo lagu doonayo in lagu aqoonsado gobol ka mid ah dhulka Soomaaliya. Kuwait waxay arrintaas ku tilmaantay mid ka hor imaneysa sharciga caalamiga ah, isla markaana adkaysay garab-istaagga ay la taagan tahay dowladda iyo hay’adaha sharciga ah ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Koofur Galbeed oo si adag u diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Maamulka Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ka...

Rw hore ee Turkiga oo dalab culus u diray Masar, Turkiga iyo Sacuudiga

Sidoo kale wuxuu sheegay in sanadihii 2012-2013 ay dalal...

Aqoonsi Caalami ah sidaa uma fududa:-Calanka Towxiidka Ixtiraama, kuwa Yahuudda u Ordayoow

Waxaan maanta wajahaynaa isku day qaawan oo si toos...

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashooyinkii degmooyinka ee ka qabsoomay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa...

Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa taageero buuxda...

Zelensky oo qorshaynaya inuu la kulmoTrump

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay inuu Florida Axada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles