Tuesday, March 10, 2026

WasiirKii Batroolka C/risaaq Cumar oo ka hadlay sababtii xilka looga qaaday

Wasiirkii Batroolka ee xukuumada Somalia C/risaaq Cumar Maxamed ayaa caddeeyay sababihii uu xilkiisa ku waayay ay tahay kala aragto duwanaan ku saabsan sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ka qabaan Maamulka Hirshabelle.

Hoos ka akhriso Qoraalka uu soo saaray:-

“Waxa laga yaabaa in ay dadku iswaydiinayaan sababta xiligan ku soo aadisay xil ka qaadistayda, iyada oo ay dad badan tuhmayeen in uu jiray xiriir qota dheer oo igala dhexeeyay Madaxweynaha.

Waxaa adkaatay inaan isla fahano Madaxda Hirshabele, taliyaha Sirdoonka iyo Nabad sugidda iyo Madaxweyne JFS. Waana ta sababta u ah Xil ka qaadistayda.

Wasiirkii hore ee Batroolka C/risaaq Cumar

Waa dhab in uu jiro xiriirkaasi, xil ka qaadistayduna waxa ay ku timid kala aragti duwanaansho la xiriirta sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabeele, tabashooyinkaas oo soo jiray ilaa bilawgii dhismahii HirShabeele, muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, mudadaas oo xalka loo arkay in maamulka hirshabeele caasimad looga dhigo Buloburde, arintaas oo aan hirgelin, laakiin is afgarad lagu gaaray in Jowhar ay noqoto caasimadda maamulka HirShabeele.

Tabashooyinkii oo marba marka ka dambeeyo isa soo tarayay ayaa sii xoogaystay waqtigii uu Maxamed Abdullahi Farmaajo uu dalka Madaxweynaha ka ahaa, iyadoo lagu guul daraystay waqtigaa in tabashada ay qabeen reer Hiiraan xal laga gaaro.

Mabda’iyan Madaxweynaha, aniga iyo siyaasiyiinta kale waxaan ka midaysnayn in tabashooyinka ay qabaan reer Hiiraan ay yihiin tabashooyin dhab ah una baahan xal ay qayb ka yihiin maamulka HirShabeele iyo dowladda dhexe.

Hase ahaatee waxaa jiray kala aragti duwanaasho ah xalka ugu haboon oo loo xallin karo tabashooyinkaas, aniga waxaan qabay in xalka laga bilaabo reconciliation iyo in beelaha labada deegaan ee ku midaysan maamulka HirShabeele ee leh oday dhaqameed, Culumo iyo siyaasiyiin laga qaybgeliyo kana heshiiyaan sida ay noqonayso HirShabeelada cusub, lagana heshiiyo arrimaha gundhigga u ah tabashooyinka oo ay ka mid yihiin Caasimadda iyo Baarlamaanka HirShabeele.

Xalka Tabashooyinka oo aan aniga iyo xildhibaanada isku aragti ka ahayn, ayaa waxaa adkaatay inaan isla fahano Madaxda Hirshabele, taliyaha Sirdoonka iyo Nabad sugidda iyo Madaxweyne JFS. Waana ta sababta u ah Xil ka qaadistayda.

Ugu dambayn waxaan halkan ku cadaynayaa in aan ka shaqayn doono Dawladnimada, iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka HirShabeele.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka digay muddo kororsi uu sameysto Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku...

Waa kuma Hoggaamiyaha Cusub ee Iran ee la doortay?

Golaha Khubarada ee dalka Iran ayaa ku dhawaaqay in...

Taliyaha AUSSOM oo tagay deegaano laga saaray Al-Shabaab

Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM)...

Jaamacadda Carabta oo si adag u cambaareysay weerarrada Iiraan ee dalalka Khaliijka

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, ayaa...

Farmaajo oo hal fariin u diray MW Xasan Sheekh kadib markii uu saxiixay Dastuurka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles