Friday, March 14, 2025

WasiirKii Batroolka C/risaaq Cumar oo ka hadlay sababtii xilka looga qaaday

Wasiirkii Batroolka ee xukuumada Somalia C/risaaq Cumar Maxamed ayaa caddeeyay sababihii uu xilkiisa ku waayay ay tahay kala aragto duwanaan ku saabsan sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ka qabaan Maamulka Hirshabelle.

Hoos ka akhriso Qoraalka uu soo saaray:-

“Waxa laga yaabaa in ay dadku iswaydiinayaan sababta xiligan ku soo aadisay xil ka qaadistayda, iyada oo ay dad badan tuhmayeen in uu jiray xiriir qota dheer oo igala dhexeeyay Madaxweynaha.

Waxaa adkaatay inaan isla fahano Madaxda Hirshabele, taliyaha Sirdoonka iyo Nabad sugidda iyo Madaxweyne JFS. Waana ta sababta u ah Xil ka qaadistayda.

Wasiirkii hore ee Batroolka C/risaaq Cumar

Waa dhab in uu jiro xiriirkaasi, xil ka qaadistayduna waxa ay ku timid kala aragti duwanaansho la xiriirta sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabeele, tabashooyinkaas oo soo jiray ilaa bilawgii dhismahii HirShabeele, muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, mudadaas oo xalka loo arkay in maamulka hirshabeele caasimad looga dhigo Buloburde, arintaas oo aan hirgelin, laakiin is afgarad lagu gaaray in Jowhar ay noqoto caasimadda maamulka HirShabeele.

Tabashooyinkii oo marba marka ka dambeeyo isa soo tarayay ayaa sii xoogaystay waqtigii uu Maxamed Abdullahi Farmaajo uu dalka Madaxweynaha ka ahaa, iyadoo lagu guul daraystay waqtigaa in tabashada ay qabeen reer Hiiraan xal laga gaaro.

Mabda’iyan Madaxweynaha, aniga iyo siyaasiyiinta kale waxaan ka midaysnayn in tabashooyinka ay qabaan reer Hiiraan ay yihiin tabashooyin dhab ah una baahan xal ay qayb ka yihiin maamulka HirShabeele iyo dowladda dhexe.

Hase ahaatee waxaa jiray kala aragti duwanaasho ah xalka ugu haboon oo loo xallin karo tabashooyinkaas, aniga waxaan qabay in xalka laga bilaabo reconciliation iyo in beelaha labada deegaan ee ku midaysan maamulka HirShabeele ee leh oday dhaqameed, Culumo iyo siyaasiyiin laga qaybgeliyo kana heshiiyaan sida ay noqonayso HirShabeelada cusub, lagana heshiiyo arrimaha gundhigga u ah tabashooyinka oo ay ka mid yihiin Caasimadda iyo Baarlamaanka HirShabeele.

Xalka Tabashooyinka oo aan aniga iyo xildhibaanada isku aragti ka ahayn, ayaa waxaa adkaatay inaan isla fahano Madaxda Hirshabele, taliyaha Sirdoonka iyo Nabad sugidda iyo Madaxweyne JFS. Waana ta sababta u ah Xil ka qaadistayda.

Ugu dambayn waxaan halkan ku cadaynayaa in aan ka shaqayn doono Dawladnimada, iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka HirShabeele.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka...

RW Xamsa oo Boqolaal Dadweyne ah Kula Afuray Suuqa Bakaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay lataliyaha sare ee arrimaha difaaca

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Taliyaha Booliiska oo qabtay kulan looga hadlayey la dagaalanka AS

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxii Drones-ka ee Daacish oo lagu dilay Buuraleyda Cali-miskaad ee G/Bari

War ka soo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles