Friday, April 17, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u safraya Sacuudiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu u ambabaxo dalka Sacuudi Carabiya, isagoo halkaasi kula kulmi doono Dhaxal sugaha Sacuudiga Boqor Bin Salmaan.

Ajandaha ugu weyn ee laga wada hadli doono ayaa ah siddii looga hortagi lahaa gardarada iyo faragelinta Israa’iil iyo sidii iskaashi arrintaasi looga sameyn lahaa.

Dowladda Sacuudiga ayaa kaalinta hore uga jirta difaaca midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, arrinta aqoonsiga Waqooyi Galbeed iyo In Israa’iil halkaas soo dagto waxa ay u arkaan khad cas oo lama taabtaan ah.

Sidoo kale waxaa lafilayaa Sacuudiga kadib in Madaxweyne Xasan Sheekh uu safar ku tago dalka Masar oo ah saaxib muhiim ah oo ay Soomaaliya leedahay xilliyada adagna garab istaaga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey u tagay dalalka Jabuuti iyo Turkiga, waxaa uuna wadamadaasi ka soo helay garab istaag xooggan.

Dowladda Soomaaliya iyo Shacabka ayaa si dareen leh uga soo horjeestay go’aanka Israa’iil ee ah in la kala qeybiyo dalka, waxaana tan iyo markii uu soo ifbaxay talaabada Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland magaalooyinka kala duwan ee dalka ka dhacaayay banaanbaxyo dadka Soomaaliyeed ku diidan yihiin go’aankaas oo ku tilmaameen mid xadgudub ku ah Qaranimada Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka difaaca Israa’iil oo ugu hanjabay Iran weeraro ‘kasii xanuun badan’ kuwii hore

Wasiirka gaashaandhiga Israa'iil Israel Katz ayaa uga digay Iran...

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, oo ah dhexdhexaadiyaha ugu...

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Jubbooyinka

Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in Ciidamada...

DFS oo ka hortimid safiirka ay Israel u magacowday Somaliland

Dowladda Israa’iil ayaa qaaday tallaabo cusub oo sii hurisay...

Israa’iil oo safiir cusub u magacowday Soomaaliland

Israa’iil ayaa safiirkii ugu horreeyay u magacowday maamulka gooni-goosadka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles