Thursday, April 23, 2026

Ciidamadii ugu badnaa oo maanta Tababar loogu soo xiray Muqidsho

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka XDS Sarreeye-Gaas Odawa Yusuf Rage ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada gaarka ah ee Gorgor ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar ciidan ku qaatay Kulliyadda Tababbarka Ciidamada ee TURKSOM.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee ay wadaan talisyada Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo diiradda saaraya kobcinta awoodda, xirfadda, iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa ciidamada qalin-jabiyay faray inay si dhab ah u gutaan waajibkooda ah ilaalinta midnimada, wadajirka iyo madaxbannaanida qaran ee dalka, si looga difaaco cadowga gudaha iyo kan dibadda ee ka soo horjeeda horumarka iyo nabadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa faray ciidanka inay kaalin muuqata ka qaataan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, isla markaana ay si hagar la’aan ah u gutaan waajibaadka ay u dhaarteen, si loo sugo amniga shacabka Soomaaliyeed iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

Intii ay munaasabaddu socotay, ciidamadu waxay soo bandhigeen xirfado kala duwan oo ay barteen muddadii tababarka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen adeegsiga hubka noocyadiisa kala duwan, xeeladaha dagaalka, iyo farsamooyinka difaac-nafsiga, taasoo muujinaysa heerka diyaargarow ciidan iyo tayada tababarka ay qaateen.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Odawa Yuusuf Raage, Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktariinka, G/le Sare Axmed Ise Axmed, Taliyaha TURKSOM, S/Gaas Sebahattin Kalkan, Safiirka Turkiga, taliyayaasha ciidamada Cirka iyo Badda iyo martisharaf kala duwan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Dowladda Federaalka ah uma xirna Garoonka Dooloow”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre,...

Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay 174 Dhalinyaro Tahriibayaal ah

Wasiir Ku-xigeenka Wasaraadda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Doorashada KGS oo qarka u saaran inuu dib u dhac ku yimaado

Doorashadii maamulka Koofur Galbeed (KGS) ee qorshuhu ahaa in...

Soomaaliya oo si adag u cambaareysay weerarrada Iiraan, kuna baaqday mowqif mideysan oo Carbeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay...

Puntland oo shaacisay dagaal ka dhan ah Kalluumeysiga Sharci darrada ah

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland ayaa ku dhawaaqday...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles