Saakow:-Warshaddii qaraxyada ugu weyneyd Al-shabaab oo xalay la beegsaday

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indunuusiya, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Boqortooyada Urdun, Dowladda Kuwayt, Dowladda Liibiya, Jamhuuriyadda Maldives, Jamhuuriyadda Nayjeeriya, Saldanadda Cumaan, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Baakistaan, Dowladda Falastiin, Dowladda Qatar, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda Suudaan, Jamhuuriyadda Turkiga, Jamhuuriyadda Yemen, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka;

Dhammaan dowladahaan iyo ururradaan ayaa si adag u cambaareeyey dhaqdhaqaaqa Israa’iil iyo booqashadii ugu dambeysay ee sharci-darrada ahayd ee masuul Israa’iili ah uu 6-dii Janaayo 2026 ku tagay Gobol ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna ku sifeeyeen xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, midnimadeeda iyo wadajirka dhulkeeda, isla markaana wiiqaysa qawaaniinta caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Dowladahaan ayaa mar kale xaqiijiyey taageeradooda aan leexleexadka lahayn ee ku aaddan madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, midnimadeeda iyo wadajirkeeda dhulkeed, iyagoo ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay ka qaybgalka caalami ah ee nabadda, diblomaasiyadda wax ku oolka ah iyo u hoggaansanaanta qodobbada sharciga caalamiga ah, waxayna caddeeyeen in go’aankeeda midnimada iyo difaaca madax-banaanida dhulka Jamhuuriyadda ay ku garab taagan yihiin.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles