Maxkamadda Racfaanka Bariga Afrika oo meesha ka saartay murankii ka dashay soo xulista xildhibaanada Soomaaliya ee EALA

Maxkamadda Bulshada Bariga Afrika (EACJ) ee fadhigeedu yahay magaalada Arusha ayaa maanta xukun rasmi ah soo saartay, kaas oo ay ku fasaxday xildhibaanada Soomaaliya ee loo soo xulay Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA), iyadoo amartay in si degdeg ah loo dhaariyo si ay u gutaan waajibaadkooda sharciyeed.

Go’aankan ayaa meesha ka saaray murankii ka dhashay habraaca soo xulista xildhibaanada, kaas oo muddo hakad geliyay ka qeybgalka rasmiga ah ee Soomaaliya ee howlaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Intii uu socday go’aanka maxkamadda, waxaa goob-joog ka ahaa Habdhowraha Baarlamaanka Golaha Shacabka, Xoghayaha Guud ee Golaha, iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka qayb galay dhageysiga iyo shaacinta xukunka maxkamadda ee Arusha.

Maxkamaddu waxay caddeysay in habraaca la raacay uu waafaqsan yahay shuruucda Bulshada Bariga Afrika, isla markaana aysan jirin sabab sharci ah oo dib loogu dhigo dhaarinta xildhibaanada.

Go’aankan ayaa la filayaa inuu dardar geliyo ka qeybgalka rasmiga ah ee Soomaaliya ee Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, isla markaana xoojiyo doorka dalka ee iskaashiga siyaasadeed, sharciyeed iyo horumarineed ee gobolka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles