Friday, May 1, 2026

Somaliland oo sheegtay in lagu soo dhoweeyay aqalka Baarlamaanka Israaโ€™iil

Xukuumaddaย  Somaliland, ayaa sheegtay in wefdi ka socda Somaliland lagu soo dhoweeyay aqalka baarlamaanka Israaโ€™iil ee Knesset.

Qoraal la soo dhigay barta facebookga ee Telefishanka Qaranka Soamliland ayaa lagu yiri sidan:

โ€œWefti ka socda Somaliland oo lagu soo dhaweeyay aqalka baarlamaanka Israaiil ee Knesset, ka dib markii ay martiqaad rasmi ah ka heleen aqalka Knessetโ€.

โ€œTallaabadan ayaa ka mid ah dedaallada diblomaasiyeed ee ay Somaliland iyo Israaiil kor ugu qaadayaan xidhiidhkooda rasmiga ahโ€, ayaa lagu yiri qoraalka telefishanka qaranka.

Faahfaahin dheeri ah lagama bixin wefdiga la sheegay in la soo dhoweeyay.

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo dhawaan laysla dhex marayay warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu u safray, ama uu isu diyaarinayo safar uu ku tago Israaโ€™iil, ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada ilaa shalay, balse waxaa garab socda qodobbo muhiim ah oo aanan weli la xaqiijin.

WARARKII KALE

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles