Somaliland oo sheegtay in lagu soo dhoweeyay aqalka Baarlamaanka Israa’iil

Xukuumadda  Somaliland, ayaa sheegtay in wefdi ka socda Somaliland lagu soo dhoweeyay aqalka baarlamaanka Israa’iil ee Knesset.

Qoraal la soo dhigay barta facebookga ee Telefishanka Qaranka Soamliland ayaa lagu yiri sidan:

“Wefti ka socda Somaliland oo lagu soo dhaweeyay aqalka baarlamaanka Israaiil ee Knesset, ka dib markii ay martiqaad rasmi ah ka heleen aqalka Knesset”.

“Tallaabadan ayaa ka mid ah dedaallada diblomaasiyeed ee ay Somaliland iyo Israaiil kor ugu qaadayaan xidhiidhkooda rasmiga ah”, ayaa lagu yiri qoraalka telefishanka qaranka.

Faahfaahin dheeri ah lagama bixin wefdiga la sheegay in la soo dhoweeyay.

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo dhawaan laysla dhex marayay warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu u safray, ama uu isu diyaarinayo safar uu ku tago Israa’iil, ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada ilaa shalay, balse waxaa garab socda qodobbo muhiim ah oo aanan weli la xaqiijin.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles