Maxay ka wada hadleen Deni iyo xubnaha Beesha Caalamka?

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Magaalada Nairobi kulan kula qaatay Wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka mid yihiin Safiirada Qaramada Midoobey, Midowga Europe ,UK, Denmark, Norway , Canada , Germany, Sweden iyo diblomaasiyiin sarre oo ka tirsan safaaradaha USA, Switzerland, Finland, France , Netherlands iyo World Bank.

Kulanka waxaa looga hadlay , xaalada guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda, Iyadoo Dowladda Puntland lagu boggaadiyey Hawlgalka ay Argagixisada kaga ciribtireyso deegannadeeda iyo hirgelinta Dimuqraadiyadda, sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay arrimaha Bani’aadanimo iyo Iskaashiga horumarineed.

Waxaa Madaxweynaha Kulanka kala qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Faarax Juxa, Wakiilka arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamka Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka iyo Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Mudane Jaamac Yuusuf Dabaraani.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles