Maxay ka wada hadleen Deni iyo xubnaha Beesha Caalamka?

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Magaalada Nairobi kulan kula qaatay Wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka mid yihiin Safiirada Qaramada Midoobey, Midowga Europe ,UK, Denmark, Norway , Canada , Germany, Sweden iyo diblomaasiyiin sarre oo ka tirsan safaaradaha USA, Switzerland, Finland, France , Netherlands iyo World Bank.

Kulanka waxaa looga hadlay , xaalada guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda, Iyadoo Dowladda Puntland lagu boggaadiyey Hawlgalka ay Argagixisada kaga ciribtireyso deegannadeeda iyo hirgelinta Dimuqraadiyadda, sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay arrimaha Bani’aadanimo iyo Iskaashiga horumarineed.

Waxaa Madaxweynaha Kulanka kala qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Faarax Juxa, Wakiilka arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamka Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka iyo Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Mudane Jaamac Yuusuf Dabaraani.

 

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles