Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay dagaalkii labaadii maalin ee la soo dhaafay ka dhacayay deegaanka Kudhaa ee hoos taga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose.

Dagaalka oo ku bilowday weerar al-Shabaab ku qaadeen goobo ay ku sugnaayen ciidamada Jubaland, ayaa markii dambe oo shalay ahayd mamaulka Jubaland waxey sheegeen in dagaalka ay ku jabiyeen Shabaab isla markaana ay ka sifeeyeen deegaankaasi.

Haddaba Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa yiri: waxaan bogaadin iyo dhiirrigelin u dirayaa geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo guul muhiim ah ka keenay dagaalka sifeynta ah ee ay kula galeen argagixisada Alshabaab deegaanka Kudhaa iyo nawaaxigiisa,”.

Madaxweyne hore Farmaajo oo bartiisa Facebook qoraal ku baahiyay ayaa intaasi ku daray “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ku adkaynaynaa in ay xoojiso mudnaan-siinta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka,”.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles