Sunday, January 25, 2026

Taliyaha ciidanka Dhulka oo tagay deegaano laga saaray Al-shabaab

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa gaaray deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose oo dhawaan laga saaray maleeshiyaadka Al-shabaab, kadib howlgallo guulo laga gaaray.

Ujeeddada safarka Taliyaha ayaa ahayd dhiirrigelinta iyo bogaadinta geesiyada Ciidamada XDS iyo kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaas oo door muuqda ka qaatay xoreynta deegaanadaasi.

Intii uu ku sugnaa goobaha laga saarayay, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulamo la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalada, isaga oo ka xaal wareystay xaaladda guud ee amniga, isla markaana dhageystay warbixino la xiriira howlgallada socda, baahiyaha jira iyo qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga deegaanadaasi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa si gaar ah u bogaadiyay geesinimada, adkaysiga iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada isgarabsanaya, isaga oo xusay in guulaha la gaaray ay caddeyn u yihiin wada-shaqeyn miro dhal ah iyo go’aan adag oo lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sidoo kale ciidamada ku boorriyay inay sii laba-jibaaraan dadaalkooda, isla markaana ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaanada laga xoreeyay, loogana hortago isku-day kasta oo cadowgu dib ugu soo laaban karo.

Howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Shabeellaha Hoose ayaa weli sii socda, iyada oo dowladda Soomaaliya ay adkeynayso dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo in adeegyada dowliga ah dib loogu celiyo deegaanada la xoreeyay.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Deni oo kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la...

Baarlamaanka Carabta oo markale garab istaag u muujiyay Yemen iyo Soomaaliya

Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed...

Somaliland oo aqbashay in deegaanada la keeno Malleeshiyo hubeysan iyo qoyskooda oo la shaqeyn jiray ISRL

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Somaliland ay ogolaatay in...

Puntland oo shaacisay tirada Ciidamada DFS ee ku sugan Deegaannadeeda

Puntland ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada ciidamada Dowladda...

Ilhan Cumar oo si adag ugu hadashay dil ay geysteen ICE

Xaaladda Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa ka sii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles