Taliyaha ciidanka Dhulka oo tagay deegaano laga saaray Al-shabaab

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa gaaray deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose oo dhawaan laga saaray maleeshiyaadka Al-shabaab, kadib howlgallo guulo laga gaaray.

Ujeeddada safarka Taliyaha ayaa ahayd dhiirrigelinta iyo bogaadinta geesiyada Ciidamada XDS iyo kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaas oo door muuqda ka qaatay xoreynta deegaanadaasi.

Intii uu ku sugnaa goobaha laga saarayay, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulamo la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalada, isaga oo ka xaal wareystay xaaladda guud ee amniga, isla markaana dhageystay warbixino la xiriira howlgallada socda, baahiyaha jira iyo qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga deegaanadaasi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa si gaar ah u bogaadiyay geesinimada, adkaysiga iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada isgarabsanaya, isaga oo xusay in guulaha la gaaray ay caddeyn u yihiin wada-shaqeyn miro dhal ah iyo go’aan adag oo lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sidoo kale ciidamada ku boorriyay inay sii laba-jibaaraan dadaalkooda, isla markaana ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaanada laga xoreeyay, loogana hortago isku-day kasta oo cadowgu dib ugu soo laaban karo.

Howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Shabeellaha Hoose ayaa weli sii socda, iyada oo dowladda Soomaaliya ay adkeynayso dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo in adeegyada dowliga ah dib loogu celiyo deegaanada la xoreeyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles