Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS oo ansixiyay labo hindise sharciyeed oo muhiim ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 31-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 144-Xildhibaan, waxa ay Xildhibaanadda Golaha Shacabka ugu horreyn akhrinta sedaxaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana warbixinta akhrinta sedaxaad ee hindise sharciyeedka macdanta Golaha la wadaagay Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi oo ah xoghayaha Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Bii’ada ee Golaha Shacabka.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ogolaatay 141-xildhibaan, laba xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Sidoo kale mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u codeeyay Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hay’ada Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada, waxaana ogolaatay 141-Xildhibaan, sedax Xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles