Wafdi ka socda DFS oo Geneva uga qaybgalay shirka guddiga fulinta hay’adda WHO

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka  Soomaaliya Ali Haji Adam Abubakar, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qayb galay furitaanka Shirka 158aad ee Guddiga Fulinta Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), kaas oo si rasmi ah uga furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan, oo sanadkiiba mar la qabto, ayaa ah madal muhiim ah oo lagu dejiyo jihada, go’aamada, iyo siyaasadaha hannaanka caafimaadka dunida. Soomaaliya ayaa kamid ah 34-ta dowladood ee xubnaha ka ah Executive Board-ka WHO, taas oo muujinaysa kaalinta iyo codka ay Soomaaliya ku leedahay go’aannada heer caalami ee caafimaadka.

Ka qaybgalka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa xoojinaya doorka firfircoon ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee hoggaaminta, iskaashiga, iyo horumarinta nidaamka caafimaadka dunida, iyadoo mudnaanta la siinayo danaha iyo baahiyaha caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles