MW Xasan Sheekh oo tagay Qatar iyo ujeedka Socdaalkiisa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dooxa, caasimadda dalka Qatar, halkaas oo uu ku tegay booqasho shaqo oo rasmi ah.

War ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha inta uu ku sugan yahay dalka Qatar uu kulamo la yeelan doono mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Qatar, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu jooga dalka Qatar, waxa uu kulamo la yeelan doonaa mas’uuliyiinta kala duwan ee dalkaasi, isaga oo kala hadli doono xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Madaxtooyada.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in safarka Madaxweynaha uu qeyb ka yahay booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, loona horumariyo danaha qaranka.

Madaxtooyadu waxa ay sheegtay in booqashadani ay sidoo kale xooga saarayso taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo midnimada, madax-bannaanida iyo dowladnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Safarkan ayaa la filayaa in uu furo fursado cusub oo iskaashi iyo taageero ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska dalka, xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad dib-u-habeyn iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

WARARKII KALE

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles