Buuq xooggan iyo khilaaf siyaasadeed ayaa maanta hareeyay fadhigii wadajirka ahaa ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo looga hadlayay wax ka beddelka Dastuurka KMG ah.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka, kuna beegnaa kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 11-aad, ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista dastuurka, gaar ahaan marxaladda labaad ee doodda ku saabsan wax ka beddelka Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad.
Intii uu socday fadhiga, Guddoonka guddiyada u qaabilsan dib-u-eegista dastuurka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dastuurka ayaa mudanayaasha la wadaagay warbixin ku saabsan isbeddellada la soo jeediyay.
Xildhibaannada labada Aqal ayaa si qoto-dheer uga dooday qodobadan, iyaga oo soo jeediyay aragtiyo kala duwan oo muujinaya kala aragti duwanaansho xooggan.
Doodda ayaa mararka qaar isu beddeshay buuq iyo hadallo kulul, taasoo muujisay khilaafka ka dhex jira xildhibaannada ee ku aaddan jihada isbeddelka dastuuriga ah.
Qaar ka mid ah mudanayaasha ayaa muujiyay walaac la xiriira saamaynta ay wax ka beddelku ku yeelan karto nidaamka federaalka iyo awood qeybsiga dowladda.
Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in doodda la sii wadi doono, isla markaana arrintan dib loogu laaban doono kulanka xiga oo la filayo inuu qabsoomo maalinta Isniinta.
Arrintan ayaa imanaysa xilli dalka uu wajahayo xaalado amni, siyaasadeed iyo bini’aadannimo, taasoo ka dhigaysa in xiisada ay ka sii darto.
Dhanka kale War ka soo baxay Xafiiska Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:-
MUDANAYAASHA LABADA AQAL EE BJFS OO KA DOODAY CUTUBKA AFARAAD EE WAX KA BEDELKA DASTUURKA KMG AH.
Muqdisho-Soomaaliya 07, February, 2025: Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 11-aad ee wadajirka ah, waxaana shir Guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.
Ajendaha kulanka wadajir ah ee maanta waxa uu ahaa Dib U eegista Dastuurka, gaar ahaan marxaladda labaad ee ka doodista soo jeedimaha wax ka badalka dastuurka iyo sidoo kale cutubka 4-aad ee wax ka baddel kooban oo ku saabsan Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee Dastuurka Kmg ah.
Ugu horreyn Guddoonka guddiga Baarlamaanka labadiisa Aqal u qaabilsan dib u eegista iyo la socodka dastuurka iyo Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka ayaa mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay la wadaageen warbixinta wax ka baddel kooban oo ku saabsan Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee Dastuurka.
Intaasi ka dib mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday qodobada wax ka bedelka kooban lagu sameeyey ee 49-aad, 50-aad iyo 54-aad, islamarkaana ay soo jeediyeen guddiyada ku shaqada leh.
Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda ay sii socon doonto islamarkaana lasii amba qaadi doono kulanka kan xiga ee dhici doona maalonta isniinta ah.


