Wednesday, February 11, 2026

Soomaaliya oo loo doortay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu doortay inay ka mid noqoto Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (Peace and Security Council – PSC) muddada u dhexeysa 2026 illaa 2028, kaddib doorasho ka dhacday xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.

Doorashadan ayaa loo arkaa guul diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, isla markaana muujinaysa dib-u-soo kabashada iyo kororka kalsoonida beesha Afrika ay ku qabto doorka iyo miisaanka Soomaaliya kaga jirto arrimaha nabadda iyo amniga qaaradda.

Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dhammaan dowladihii xubnaha ka ahaa Midowga Afrika ee taageeray musharraxnimadeeda, iyadoo sheegtay in codka ay heshay uu ka tarjumayo aaminaad iyo iskaashi ku dhisan himilo wadajir ah oo ku wajahan Afrika nabad ah, xasilloon oo barwaaqo gaarta.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay in xubinnimada Golaha PSC ay sii xoojin doonto doorka ay kaga jirto dadaallada lagu xoojinayo nabadda, xasilloonida iyo xalinta khilaafaadka qaaradda, iyadoo ballanqaadday inay ka shaqeyn doonto dhiirrigelinta wada-hadal wax ku ool ah, iskaashi amni iyo ka hortagga colaadaha.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) ayaa ah hay’adda ugu sarreysa ee u qaabilsan arrimaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika, waxaana xubinnimadiisu ka dhigan tahay mas’uuliyad iyo kaalinta hoggaamineed oo ku aaddan ilaalinta xasilloonida qaaradda.

Doorashada Soomaaliya ayaa imaneysa xilli ay dowladda Federaalka Soomaaliya dadaal xooggan ku bixinayso xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ka qeyb qaadashada go’aan qaadashada heer gobol iyo heer qaaradeedba.  

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin...

Turkiga oo maraakiib dagaal keenay Muqdisho

Wasiir dowlaha wasaarada Gaashandhigga XFS Cumar Cabdi Cali uu...

DFS oo sheegtay in adeegyada waxbarashada la gaarsiiyay deegaanada laga saaray Al-Shabaab

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa...

Dood culus oo ka taagan goobta lagu qabanayo shirka DF iyo Golaha Mustaqbalka

Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa xalay magaalada Muqdisho...

Jubbaland oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Jamaame

Maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal culus oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles