Booliska Soomaaliland oo war ka soo saaray qoys Ajnabi ah oo lagu jir dilay Hargeysa

Taliska Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa war ka soo saaray dhacdo la xiriirta qoys u dhashay dalalka Suuriya iyo Yemen oo lagu eedeeyay in jir-dil loogu geystay magaalada Hargeysa, iyagoo sheegay in si degdeg ah tallaabo looga qaaday askartii falkaasi lagu eedeeyay, islamarkaana uu socdo baaritaan dheeraad ah.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu caddeeyay wararka lagu baahiyay baraha bulshada ee la xiriira nin u dhashay dalka Suuriya oo muuqaallo ku faafiyay baraha bulshada, kana cabanayay qaabkii loo qabtay.

Boolisku waxa ay xaqiijiyeen in ninkaasi ay Maxkamadda Degmada Hargeysa u soo jartay waaran qabasho ah.

Si kastaba ha ahaatee, Taliska Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin qaabka ay wax u dhaceen intii uu socday howlgalkaasi. Waxa ay sheegeen in si degdeg ah tallaabo looga qaaday askartii falkaas samaysay, isla markaana uu socdo baaritaan lagu ogaanayo faahfaahinta dhacdada.

Taliska Booliska Somaliland ayaa ku adkeeyay in ay ka go’an tahay ilaalinta sharciga, dhowrista xuquuqda muwaadiniinta iyo dhammaan dadka ku sugan deegaannada uu ka taliyo, si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka u yaalla.

 

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles