Thursday, February 12, 2026

Booliska Soomaaliland oo war ka soo saaray qoys Ajnabi ah oo lagu jir dilay Hargeysa

Taliska Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa war ka soo saaray dhacdo la xiriirta qoys u dhashay dalalka Suuriya iyo Yemen oo lagu eedeeyay in jir-dil loogu geystay magaalada Hargeysa, iyagoo sheegay in si degdeg ah tallaabo looga qaaday askartii falkaasi lagu eedeeyay, islamarkaana uu socdo baaritaan dheeraad ah.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu caddeeyay wararka lagu baahiyay baraha bulshada ee la xiriira nin u dhashay dalka Suuriya oo muuqaallo ku faafiyay baraha bulshada, kana cabanayay qaabkii loo qabtay.

Boolisku waxa ay xaqiijiyeen in ninkaasi ay Maxkamadda Degmada Hargeysa u soo jartay waaran qabasho ah.

Si kastaba ha ahaatee, Taliska Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin qaabka ay wax u dhaceen intii uu socday howlgalkaasi. Waxa ay sheegeen in si degdeg ah tallaabo looga qaaday askartii falkaas samaysay, isla markaana uu socdo baaritaan lagu ogaanayo faahfaahinta dhacdada.

Taliska Booliska Somaliland ayaa ku adkeeyay in ay ka go’an tahay ilaalinta sharciga, dhowrista xuquuqda muwaadiniinta iyo dhammaan dadka ku sugan deegaannada uu ka taliyo, si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka u yaalla.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan oo Madaxtooyada qaranka ku qabilay Wafdi ka socda Boqortooyada ingiriiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb galay shir ka dhacay Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

MW Xasan Sheekh oo sheegay in Sacuudiga iyo Xulafadiisa ay kala shaqeynayaan ka hortaga qorshaha Israa’iil

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday...

Ismari waa weli ka taagan qabsoomida Shirka

Waxaa weli ismari-waa xooggan uu ka taagan yahay goobta...

Dood ka dhalatay hadalkii ka soo yeeray Deni

Hadal-heyn iyo dood xooggan ayaa ka dhalatay hadal xalay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles