Ciidamada Jubbaland oo Burburiyay Warshad Miinooyin oo Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubbaland oo kaashanaya ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyay warshad lagu sameynayay miinooyin oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen dhulka Badda-madow ee u dhexeeya Raaskaambooni iyo Badhaadhe, gaar ahaan deegaanka Hola-Wajeer iyo agagaarkiisa.

Howlgalka ayaa lagu soo qabtay hal goob oo kaliya ku dhowaad 90 xabbo oo miinooyin ah iyo qalabkii lagu farsameynayay walxaha qarxa.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay miinooyin kale oo tiro badan oo la diyaarinayay.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in magaalada Raaskaambooni la keenay meydadka ku dhowaad 50 ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu dilay dagaalka ka dhacay aaggaasi.

Miinooyinkan ayaa la rumeysan yahay in loo qorsheeyay in lagu waxyeelleeyo shacabka rayidka ah.

Shacabka ku nool Jubbaland iyo gobolka Waqooyi-bari ee Kenya ayaa hore dhibaatooyin badan uga soo gaaray walxaha qarxa ee ay maleeshiyaadku ku aasaan waddooyinka iyo goobaha dadweynaha.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga, laguna baabi’inayo khataraha ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku hayaan shacabka iyo isu socodka ganacsiga ee gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo u safray Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Guddiga Doorashada oo aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee laashay doorashadii Galmudug

Guddiga lagu muransanyahay ee doorashada ayaa goordhow ku dhawaaqay...

Itoobiya oo badeshay ciidamadeeda ku sugnaa Baydhabo iyo kuwa cusub oo ay geysay Magaalada

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay beddeshay dhammaan ciidamadii...

Burburin iyo barakac xooggan oo ka socda Buulo Eelay, Muqdisho oo wajahaysa qax

Burburin iyo barakac ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka UK u qaabilsan Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Muqdisho kulan kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles