Turkiga oo maanta Soomaaliya u soo diray Markabka qodista Shidaalka

Muuqaal uu baahiyay Wasiirka Tamarta ee Turkey, Alparslan Bayraktar, ayaa lagu sheegay in maanta markabka qodista shidaalka ee casriga ah ee dalka Turkiga, Jaara Bey Çağrı Bey, uu u soo ambabaxay Soomaaliya si uu u bilaabo hawlgallo qodis shidaal iyo gaas dabiici ah.

Markabkan ayaa maanta ka dhaqaaqi doona Mersin Port, isagoo ku soo jeeda xeebaha Soomaaliya.

Waxa uu ka mid yahay maraakiibta ugu casrisan ee Turkigu leeyahay, waxaana loogu talagalay inuu horseedo bilowga qodista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa loo arkaa bilowga marxalad cusub oo iskaashi dhaqaale iyo horumarineed u dhexeysa Somalia iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada tamarta, amniga, iyo horumarka waara. Hawlgalku wuxuu diiradda saari doonaa badda Soomaaliya, iyadoo la filayo in natiijooyin wax ku ool ah laga gaaro qodista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

Markabka ayaa la filayaa inuu dhawaan soo gaaro Muqdisho, halkaas oo loo qorsheeyay xaflad soo dhaweyn rasmi ah oo ay ka qayb geli doonaan madaxda dowladda ugu sarraysa.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah heshiis istiraatiiji ah oo labada dal u dhexeeya, iyadoo markabkan uu horseed u noqon doono wejiga wax-soo-saarka tamarta ee Soomaaliya muddo dheer sugaysay, loona arko fursad muhiim ah oo kor loogu qaadayo iskaashiga tamarta iyo horumarka waara.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles