Monday, July 6, 2026

Turkiga oo maanta Soomaaliya u soo diray Markabka qodista Shidaalka

Muuqaal uu baahiyay Wasiirka Tamarta ee Turkey, Alparslan Bayraktar, ayaa lagu sheegay in maanta markabka qodista shidaalka ee casriga ah ee dalka Turkiga, Jaara Bey Çağrı Bey, uu u soo ambabaxay Soomaaliya si uu u bilaabo hawlgallo qodis shidaal iyo gaas dabiici ah.

Markabkan ayaa maanta ka dhaqaaqi doona Mersin Port, isagoo ku soo jeeda xeebaha Soomaaliya.

Waxa uu ka mid yahay maraakiibta ugu casrisan ee Turkigu leeyahay, waxaana loogu talagalay inuu horseedo bilowga qodista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa loo arkaa bilowga marxalad cusub oo iskaashi dhaqaale iyo horumarineed u dhexeysa Somalia iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada tamarta, amniga, iyo horumarka waara. Hawlgalku wuxuu diiradda saari doonaa badda Soomaaliya, iyadoo la filayo in natiijooyin wax ku ool ah laga gaaro qodista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

Markabka ayaa la filayaa inuu dhawaan soo gaaro Muqdisho, halkaas oo loo qorsheeyay xaflad soo dhaweyn rasmi ah oo ay ka qayb geli doonaan madaxda dowladda ugu sarraysa.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah heshiis istiraatiiji ah oo labada dal u dhexeeya, iyadoo markabkan uu horseed u noqon doono wejiga wax-soo-saarka tamarta ee Soomaaliya muddo dheer sugaysay, loona arko fursad muhiim ah oo kor loogu qaadayo iskaashiga tamarta iyo horumarka waara.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha hirshabelle iyo wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray baydhabo

Wafdiga madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa galabta...

Puntland oo ka digtay in Turkiga ay mashaariic ka fuliyeen deeganadooda

Maamulka Puntland ayaa war uu soo saaray ku caddeeyay...

Wasiir Fiqi iyo Saraakiil ciidan oo tagay Ceeldheer

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi,...

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag u eedeeyay MW Xasan Sheekh

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah siyaasiyiinta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha PSF

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles