Maxkamadda Sare ee CQS oo xukun ku riday rag ku lug lahaa dilal iyo qaraxyo ka dhacay Balad Xaawo

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun kama dambeys ah ka soo saartay kiiska laba nin oo loo heystay falal dilal iyo qaraxyo ah oo ka dhacay magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo sanadkii 2025.

Eedeysanayaasha kala ah Maxamed Aadan Abuukar oo loo yaqaan Xeydar Muqtaar iyo Maxamed Qadar Cali Aadan ayaa lagu helay dambiyo la xiriira falal argagixiso, kadib baaritaanno dheer oo uu sameeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Horey, Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa 4-tii Diseembar 2025 ku xukuntay Maxamed Aadan Abuukar 15 sano oo xabsi ah, halka Maxamed Qadar Cali Aadan lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah. Si kastaba, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa racfaan ka qaatay xukunkaas.

Maxkamadda Sare oo dhageysatay racfaanka isla markaana siisay dhinacyada dacwadda waqti ku filan ayaa ugu dambeyn maanta go’aan kama dambeys ah gaartay, iyadoo labada eedeysane mid walba lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah oo la xiriira falal argagixiso.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yaroow, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay go’aanka maxkamadda.

Xukunkan ayaa imanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay sii waddo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka falalka argagixisada ee ka dhanka ah shacabka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles