Madaxweynaha Soomaaliland oo dhawaan la filayo inuu tago Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa dabayaaqada bisha Maarso ee nagu soo aaddan booqan doona Israa’iil, sida uu sheegay telefishanka qaranka Somaliland.

Qoraal uu telefishanka soo dhigay barta Facebook-ga, ayaa lagu sheegay in booqashadan noqon doonto booqashadii ugu horeysay ee uu madaxweynaha si rasmi ah ugu tego Israa’iil.

Waxaa uu dhanka kale sheegay in labada dhinac ay xoogga saari doonaan dhinacyada tiknoloojiyadda, beeraha iyo hal abuurka.

Disembar dhammaadkeedii 2025, markii Israa’iil, si lama filaan ah ugu dhawaaqday in ay aqoonsadeen Somaliland, waxaa ay dhalisay walaac gobolka ku baahay.

Soomaaliya ayaana xilligaas Golaha Ammaanka ka codsatay kulan degdeg ah oo ku aadan arrintan. Wuxuu Maraykanka xilligaas golaha ku eedeeyey ‘laba wajiilayn’.

‘Horraantii sannadkan, dalal badan, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha, waxay qaateen go’aan keli ahaaneed (unilateral) oo ah inay aqoonsadaan dawlad Falastiin. Si kastaba ha ahaatee, la isuguma yeedhin wax kulan degdeg ah oo goluhu kaga hadlayo, arrintaas sida ay golaha ka dhex sheegtay Ambassador Tammy Bruce oo ah Kuxigeenka ergayga Maraykanka ee ku Metela Qaramada Midoobay.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles