Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Daa’uud Ibraahim Muuse ayaa caawa lagu dilay dalka South Africa, kadib markii koox burcad ah oo hubeysan ay toogteen.
Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in muwaadinka la dilay xilli uu ku sugnaa dukaankii uu ka ganacsan jiray ay rag burcad ah soo weerareen, isla markaana rasaas ku fureen, taasoo sababtay dhimashadiisa.
Ciidamada Booliska ee Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay, waxayna bilaabeen baaritaanno la xiriira toogashada iyo raadinta dambiilayaasha ka dambeeyay.
Dilkan ayaa kusoo beegmaya xilli sanadkan oo keliya ay sii kordheen weerarrada, dilalka iyo dhaca loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku ganacsada dalka Koonfur Afrika.
Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa si joogto ah u wajahaya weerarro hubeysan, boob iyo burbur lagu sameeyo goobahooda ganacsi.
Illaa hadda ma jirto tallaabo muuqata oo ay qaadeen dowladaha Somalia iyo South Africa si wax looga qabto khatarta joogtada ah ee ay wajahayaan Soomaalida ku nool halkaasi, taas oo walaac weyn ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas.


