Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Daa’uud Ibraahim Muuse ayaa caawa lagu dilay dalka South Africa, kadib markii koox burcad ah oo hubeysan ay toogteen.

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in muwaadinka la dilay xilli uu ku sugnaa dukaankii uu ka ganacsan jiray ay rag burcad ah soo weerareen, isla markaana rasaas ku fureen, taasoo sababtay dhimashadiisa.

Ciidamada Booliska ee Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay, waxayna bilaabeen baaritaanno la xiriira toogashada iyo raadinta dambiilayaasha ka dambeeyay.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya xilli sanadkan oo keliya ay sii kordheen weerarrada, dilalka iyo dhaca loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku ganacsada dalka Koonfur Afrika.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa si joogto ah u wajahaya weerarro hubeysan, boob iyo burbur lagu sameeyo goobahooda ganacsi.

Illaa hadda ma jirto tallaabo muuqata oo ay qaadeen dowladaha Somalia iyo South Africa si wax looga qabto khatarta joogtada ah ee ay wajahayaan Soomaalida ku nool halkaasi, taas oo walaac weyn ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles