Wednesday, June 17, 2026

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan ku gaaray in dhammaan ciidamadooda Uganda People’s Defence Force (UPDF) laga saaro Somalia muddo sanad gudihiis ah, haddii aan si degdeg ah xal loogu helin caqabadaha soo noqnoqday ee haysta hawlgalka, gaar ahaan gabaabsiga dhaqaale.

Sida uu baahiyay wargeyska The Kampala Post oo soo xiganaya ilo sare oo milatari, go’aankan ayaa lagu gaaray kulan 24-kii Febraayo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Entebbe. Ilo ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in haddii daneeyayaasha hawlgalka ay wax ka qaban waayaan caqabadaha dhaqaale iyo taageero la’aanta, ciidamada UPDF ay si buuxda uga baxayaan Soomaaliya.

Golaha Taliska Sare ee UPDF, oo ah hay’adda ugu sarreysa ee dejisa istaraatiijiyadda iyo amniga milatariga, waxaa guddoomiya Madaxweynaha Uganda iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Yoweri Kaguta Museveni. Golaha waxaa sidoo kale ka mid ah taliyaha guud ee ciidamada Gen. Muhoozi Kainerugaba iyo saraakiisha sare ee hoggaamiya qaybaha kala duwan ee ciidanka.

Uganda waxay door muhiim ah ka ciyaareysay nabadeynta Soomaaliya tan iyo markii ay ciidamadeeda ugu horreeya soo dirtay sanadkii 2007, xilli dalka uu wajahayay xaalad amni darro oo daran. Howlgalkii ay hormuudka ka noqotay Uganda ayaa markii dambe noqday African Union Mission in Somalia (AMISOM), kaas oo markii dambe isu beddelay African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) kadibna loo wareejiyay African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM).

Mudadii ay joogeen Soomaaliya, ciidamada UPDF waxaa lagu amaanay doorkooda ku aaddan xasilinta dalka, dib u qabsashada magaalooyin muhiim ah oo ay ku jirto caasimadda Mogadishu, ilaalinta hay’adaha dowladda, tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo fududeynta gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo.

Haddii go’aankan la dhaqan geliyo, wuxuu saameyn weyn ku yeelan karaa xaaladda amni iyo howlgalada nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Hirshabelle oo daahfuray qorshaha horumarinta labaad ee dowlada Hirshabelle

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Siddeed qof oo ku dhimatay diyaraad ku burburtay Maraykanka

Siddeed qof oo ay ku jiraan laba ka mid...

DFS oo war ka soo saartay safarka Ciro ee Israa’iil iyo Safaarada Qudus

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay...

Falastiin oo si kulul u Cambaareysay Safaaradda Somaliland ee Qudus laga Furay

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa si adag u...

Xiisadda ka taagan Doorashada Galmudug oo sii xoogeysayay

Waxaa markale cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles