Wednesday, September 3, 2025

Golaha Amaanka oo Itoobiya ka reebay ciidanada cusub ee la geynayo Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyey qorshe lagu abuurayo ciidamo cusub oo ka socda Midowga Afrika, kuwaas oo la filayo in ay hawlgallada ka dhan ah kooxda Al-Shabaab bilaabaan bisha January.

Ciidamada Ethiopia Ayaan ka mid noqon doonin ciidamada nabad ilaalinta ee cusub.

Ciidamadan ayaa lagu beddelayaa Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), oo waajibaadkiisu ku egyahay 31-ka Diseembar.

Qaraarka, oo ay soo diyaarisay Boqortooyada Britain, waxaa oggolaaday 14 xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka, halka Mareykanku ka aamusay sababo la xiriira walaacyo ku saabsan maalgelinta.

Ciidamada cusub ee AUSSOM ayaa yeelan doona ilaa 12,626 askari oo kala ah ciidamada milatariga iyo 1,040 booliis ah.

Xubnaha Midowga Afrika ayaa loo fasaxay inay ciidamadaan sii joogteeyaan illaa 30-ka Juun 2025, iyadoo muddadaas lagu dhammeystirayo beddelidda dhammaan ciidamada ATMIS oo loo wareejinayo AUSSOM.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 02/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

370 qof oo ku geeriyooday ciid ka soo duntay buuraha Marra ee galbeed Sudan

Ku xigeenka isu-duwaha arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay u qaabilsan...

Booliska iyo Xeer-Ilaalinta oo gubay Daroogadii ugu halista badneed iyo digniin loo diray Ganacsatada

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa maanta si...

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

Shacabka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa...

Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo ayaa xalay lagu dilay degmada...

Puntland oo sheegtay in ay godadka ku burburisay xubno ka tirsanaa Daacish

Ciidamada difaaca Puntland ayaa Hawlgal culus ka fuliyay togga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles