Wednesday, June 24, 2026

Khasaare culus oo ka dhashay dagaal ka socda gobolka Mudug

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeya laba malayshiya beeleed saaka markale ka dhacay deegaanka Jiicboor ee galbeedka gobolka Mudug.

Dagaalkaan oo laysu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la xaqiijiyey inuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana socda dedaalo lagu doonayo in lagu joojiyo.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa isku heysta dhul daaqsimeed, waxaana la maqlayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay maanulka gobolka Mudug, waxaana lasoo sheegayaa in gurmadyo labada dhinac ah ay gaarayaan goobaha kagu dirirayo.

Xiisadda haatan soo cusboonaatay ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay Mudug ka dhacayeen dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh, oo saameyn ku yeshay dadka deegaanka

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles