Saturday, June 14, 2025

Khasaare culus oo ka dhashay dagaal ka socda gobolka Mudug

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeya laba malayshiya beeleed saaka markale ka dhacay deegaanka Jiicboor ee galbeedka gobolka Mudug.

Dagaalkaan oo laysu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la xaqiijiyey inuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana socda dedaalo lagu doonayo in lagu joojiyo.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa isku heysta dhul daaqsimeed, waxaana la maqlayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay maanulka gobolka Mudug, waxaana lasoo sheegayaa in gurmadyo labada dhinac ah ay gaarayaan goobaha kagu dirirayo.

Xiisadda haatan soo cusboonaatay ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay Mudug ka dhacayeen dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh, oo saameyn ku yeshay dadka deegaanka

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles