Carruurta Gaza oo laga baqayo in ay qabow u dhintaan

Madaxa Guud ee Hay’adda Qaramada Midoobay ee Taakulaynta Qaxootiga Falastiin (UNRWA), Philip Lazzarini, ayaa sheegay in carruurta ku nool Gaza ay halis ugu jiraan inay qabowga daran ee jiilaalka u dhintaan, iyagoo wajahaya hoy la’aan iyo agab la’aan.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa X, Lazzarini wuxuu xusay in aan weli ogolaansho loo siin gelitaanka alaabaha muhiimka ah ee Gaza, oo ay ka mid yihiin bustayaal, iyo agab kale oo lagama maarmaan u ah xilliga qabowga.

Wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka oo xabbad-joojin rasmi ah la sameeyo, si loo hubiyo in gargaar bini’aadantinimo si nabad ah loo gaarsiiyo dadka u baahan, gaar ahaan alaabaha jiilaalka oo dadka badbaadin kara.

Dhinaca Kale, Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ayaa sheegay in xaaladda gaajada ee Gaza ay sii xumaanayso, iyadoo dad badani aysan helin cunto ku filan nolol-maalmeedkooda.

WFP wuxuu caddeeyey in ilaa hadda ay keeneen saddex-meelood meel ka mid ah cuntadii dadka Gaza ay u baahnaayeen, taas oo aan waxba ka tarin baahida guud.

Bayaan lagu daabacay barta X, ayay Hay’adda WFP ku baaqday in la xaqiijiyo marin nabdoon oo la sii marsiin karo cunto iyo sahay kale oo muhiim ah.
WFP ayaa ku baaqday in xabbad-joojin degdeg ah ay tahay dariiqa kaliya ee lagu badbaadin karo nolosha dadka ku nool Gaza.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles