Carruurta Gaza oo laga baqayo in ay qabow u dhintaan

Madaxa Guud ee Hay’adda Qaramada Midoobay ee Taakulaynta Qaxootiga Falastiin (UNRWA), Philip Lazzarini, ayaa sheegay in carruurta ku nool Gaza ay halis ugu jiraan inay qabowga daran ee jiilaalka u dhintaan, iyagoo wajahaya hoy la’aan iyo agab la’aan.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa X, Lazzarini wuxuu xusay in aan weli ogolaansho loo siin gelitaanka alaabaha muhiimka ah ee Gaza, oo ay ka mid yihiin bustayaal, iyo agab kale oo lagama maarmaan u ah xilliga qabowga.

Wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka oo xabbad-joojin rasmi ah la sameeyo, si loo hubiyo in gargaar bini’aadantinimo si nabad ah loo gaarsiiyo dadka u baahan, gaar ahaan alaabaha jiilaalka oo dadka badbaadin kara.

Dhinaca Kale, Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ayaa sheegay in xaaladda gaajada ee Gaza ay sii xumaanayso, iyadoo dad badani aysan helin cunto ku filan nolol-maalmeedkooda.

WFP wuxuu caddeeyey in ilaa hadda ay keeneen saddex-meelood meel ka mid ah cuntadii dadka Gaza ay u baahnaayeen, taas oo aan waxba ka tarin baahida guud.

Bayaan lagu daabacay barta X, ayay Hay’adda WFP ku baaqday in la xaqiijiyo marin nabdoon oo la sii marsiin karo cunto iyo sahay kale oo muhiim ah.
WFP ayaa ku baaqday in xabbad-joojin degdeg ah ay tahay dariiqa kaliya ee lagu badbaadin karo nolosha dadka ku nool Gaza.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles