Monday, June 22, 2026

DFS oo ka hortimid safiirka ay Israel u magacowday Somaliland

Dowladda Israa’iil ayaa qaaday tallaabo cusub oo sii hurisay xiisadda siyaasadeed ee Geeska Afrika, kadib markii ay si rasmi ah u magacowday safiirkii ugu horreeyay ee ay u dirtay maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland.

Tallaabadan ayaa daba socota go’aan hore oo ay Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland bishii December 2025, arrintaas oo si weyn uga careysiisay Soomaaliya iyo dalal kale oo caalamka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay tallaabadan, iyadoo ku tilmaantay mid si toos ah u xadgudub ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayay dowladda ku caddeysay in tallaabadan ay jebinayso sharciga caalamiga ah, gaar ahaan mabaadi’da Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin wax aqoonsi sharci ah oo caalami ah oo ay haysato.

Dowladda ayaa sidoo kale diiday isku day kasta oo lagu siinayo aqoonsi diblomaasiyadeed ama mid siyaasadeed qayb ka mid ah dhulkeeda iyada oo aan oggolaansho laga haysan dowladda dhexe.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tallaabadan ay imaneyso xilli ay Soomaaliya ku jirto dadaallo xooggan oo lagu xoojinayo hay’adaha dowliga ah, dib-u-heshiisiinta, iyo la dagaallanka argagixisada taas oo ay sheegtay in ay halis gelin karto xasilloonida gobolka isla markaana dhiirrigelin karto kala qaybsanaan.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa  waxay ugu baaqday Israa’iil inay dib uga laabato go’aankan, isla markaana ay ixtiraamto madax-bannaanida dalka.

Sidoo kale, waxay ugu baaqday beesha caalamka oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo Midowga Yurub in ay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah kana hortagaan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in Michael Lotem loo magacaabay safiir aan deganayn oo u qaabilsan Somaliland. Lotem ayaa hore uga soo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin Kenya, Azerbaijan iyo Kazakhstan, taas oo muujinaysa khibraddiisa diblomaasiyadeed

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

R/wasaaraha UK oo is casilay

Raysal wasaaraha UK Keir Starmer ayaa sheegay inuu iska...

Booliska oo xiray Laba eedeysane oo TikTok ku Faafinayay Anshax-Xumo

Ciidanka Booliska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Garasbaaley, ayaa fuliyay...

 Wasiir Fiqi: “Cadowga Soomaaliya iyo Gooni-u-goosadku Ma guulaysan doonaan”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in...

Kenya oo Ciidamo Cusub u diyaarisay Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa soo gabagabeeyay tababar adag...

DF oo Cambaareysay Xadgudub loo geystay Gabar Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay fal...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles