Saturday, April 18, 2026

Soomaaliland oo ku dhawaaqay in Ciidanka ay la wareegi doonaan ciddii lagu arko hub sharci darro ah

Taliyaha Ciidanka  Somaliland Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa gobollada galbeedka ee Awdal iyo Selel, halkaas oo uu ka waday dedaallo la xiriira nabadaynta laba beelood oo walaalo ah oo shaqaaqo ku dhex martay deegaannada Galbeedka Somaliland, ayaa kormeer ku maray fariisimada Ciidanka Soomaaliland ee ku yaalla deegaannadaas.

Taliyaha Ciidanka, ayaa muddadii uu ku gudo jiray kormeerkan waxa uu u kuurgalay xaaladda ciidanka iyo heerka amni ee goobaha ay joogaan.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka ayaa kulan kula qaatay magaalada Lawyo Cado madaxda Gobolka Selel, oo ay ka mid ahaayeen badhasaabka Gobolkaas, Maayirka Degmada Saylac iyo guddiga nabadgelyada gobolkaas.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta nabadaynta iyo soo afjarida colaadda Beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaannadaas.

Taliyaha Ciidanka  Somaliland Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, waxa kale oo uu ku war geliyey dadka deegaannadaas in aan la oggolaan doonin in cidna si sharci-darro ah u qaadato hub, isagoo caddeeyey in cid kasta oo lagu qabto hub sharci-darro ah ay Ciidanka  kala wareegi doonaan.

Ugu dambayntii Taliyaha Ciidanka waxa uu u Mahadnaqay dadweynaha iyo bulshada ku nool Gobollada Selel iyo Awdal, kuwaas oo sheegay Taliyuhu in ay si wanaagsan ula shaqeyeen Ciidamada, isla markaana qaatay awaamiirta maamulka bixiyay ee la xi xoojinta ammaanka iyo Nabadda Gobolladaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xuutiyiinta Yemen oo si kulul uga hadlay tallaabada Israa’iil ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee maamulka Xuutiyiinta ee Yemen ayaa...

Xasan Sheekh oo Turkiga kula kulmay La taliyaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah...

Israa’iil oo shaacisay in tirada duqeymaha ay ka fulisay Iran

Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa soo saaray tirooyin cusub oo...

Taliyaha ciidanka xoogga oo amar ku bixiyay in hubka laga mamnuuco Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles