Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada oo diirrada lagu saaray arrimaha doorashooyinka.
Ugu horeyn shirka ayaa lagu dhaariyey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Ismaaciil Xasan Nuur iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Axmed Bariise Xeydar.
Golaha, ayaa waxbixino ka dhageystay Wasaaraddaha Arrimaha Guddaha, Amniga, Gargaarka, Beeraha, Diinta, Isgaarsiinta kuwaas oo faahfaahiyey arrimihii ugu dambeeyay.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle la wadaagtay digniin ku aadan roob iyo fatahaad.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray Golaha Wasiirrada in loo diyaar-garoobo abaabul xooggan iyo doorasho qof iyo cod.
“Doorasho waa qof iyo cod, xisbigana waa JSP.” Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa Golaha Wasiirrada ka hor yiri.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ugu baaqay shacabka inay wacdaro ka dhigaan hannaanka doorasho ee dalka uu galay.


