Midowga Afrika oo si adag uga horyimid wakiilka ay Israa’iil u magacowday Somaliland

Ururka Midowga Afrika ayaa si kulul uga hadlay wararka sheegaya in Isra’iil ay qorsheyneyso inay magacowdo wakiil diblomaasiyadeed oo loo diri doono Somaliland, tallaabadaas oo lagu tilmaamay mid khatar ku ah xasilloonida gobolka.

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Guddiga Midowga Afrika ayaa lagu muujiyay walaac xooggan, iyadoo si cad loo cambaareeyay qorshahaas. Guddigu wuxuu carrabka ku adkeeyay in ururku si buuxda u ixtiraamayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, sida ku cad dastuurka Midowga Afrika iyo shuruucda caalamiga ah.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale mar kale xaqiijiyay inuusan aqoonsanayn Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo tilmaamay in tallaabo kasta oo hal dhinac ah—gaar ahaan aqoonsi diblomaasiyadeed—ay tahay mid “aan waxba ka jirin” isla markaana wax u dhimi karta amniga iyo deganaanshaha gobolka Geeska Afrika.

Guddigu wuxuu xusay go’aankii ka soo baxay kulankii 1324-aad ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ee dhacay 6-da Janaayo 2026, kaasoo si cad uga digay tallaabooyinka noocan ah.

Ugu dambeyn, Midowga Afrika ayaa ku celiyay ballanqaadkiisa ku aaddan taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dowlad-dhiska iyo xoojinta midnimada qaranka.

Warbixintan ayaa imaneysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira faragelinta dibadda iyo saameynta ay ku yeelan karto xaaladda siyaasadeed ee gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles