Axmed Madoobe oo ku laabtay Kismaayo iyo abaabul socda

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dib u soo laabashada Madaxweynaha ayaa la xiriirta abaabul siyaasadeed iyo mid militari oo la sheegay inuu ka wado gudaha Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo, halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa maamulka Jubbaland iyo Villa Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay markale isku diyaarinayaan loollan ka dhaca deegaano ka tirsan gobolka Gedo, iyadoo dowladda Federaalka ay doonayso inay hirgeliso qorshe doorasho qof iyo cod ah, halka Jubbaland ay si cad uga soo horjeedo tallaabadaasi.

Maamulka Jubbaland ayaa si adag u diiday qorshaha dowladda dhexe ee ku aaddan qabashada doorashooyin ka dhaca deegaanno hoos yimaada maamulkaas, gaar ahaan Gedo. Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee dowladda Federaalka ayaa hore u shaaciyay jadwalka doorashooyin lagu qabanayo degmooyin ka tirsan gobolkaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa sheegay in ay la yaab ku noqotay sababta dowladda Federaalka ay u beegsaneyso gobolka Gedo oo kaliya, isagoo xusay in Jubbaland ay ka kooban tahay saddex gobol, isla markaana aan loo sinnayn qorshaha doorashooyinka.

Sidoo kale, Maxamuud Sayid Aadan ayaa caddeeyay in Jubbaland aysan aqoonsaneyn guddiga doorashooyinka ee soo saaray jadwalkaas, taasoo muujineysa kala aragti duwanaansho xooggan oo ka dhex taagan labada dhinac.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u aragta doorashada qof iyo cod ah mid muhiim u ah hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda dalka, inkastoo aysan si rasmi ah uga jawaabin diidmada Jubbaland ee qorshahaasi.

Xiisaddan cusub ayaa kusoo beegmeysa xilli gobolka Gedo uu horey u ahaa meel ay ka dhaceen muranno siyaasadeed iyo kuwo amni, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo in xaaladdu isu beddesho mid ka sii daran.

Xaaladda Gedo ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa, iyadoo labada dhinac ay ku adkeysanayaan mowqifyadooda, taasoo keeni karta iskahorimaad siyaasadeed iyo mid amni haddii aan xal degdeg ah laga gaarin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles