Sunday, April 19, 2026

Ciidamo Cusub oo la geeyay Jowhar iyo Hirshabeelle oo war ka soo saartay

Wasiirka Amniga ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, ayaa faahfaahin ka bixiyay ciidamada cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay geysay magaalada Jowhar, isaga oo sheegay in ciidamadan ay door muhiim ah ka qaadan doonaan sugidda amniga iyo xasiloonida guud ee gobolka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallo wadajir ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hirshabeelle, isagoo xusay in labada dhinac ay ka dhexeeyaan isfaham siyaasadeed oo ku saabsan xoojinta nabadgelyada iyo hirgelinta qorshayaasha dowladnimo.

Isagoo ka hadlayay wararka lagu faafiyay baraha bulshada, ayuu si cad u beeniyay eedeymo sheegayay in ujeeddooyin kale ay ka dambeeyaan dhaq-dhaqaaqyada ciidanka.

“Wararka la faafinayo waa kuwo aan sal lahayn, ciidamadu waxay u tageen Jowhar howlgallo lagu xaqiijinayo amniga laguna ciribtirayo kooxaha Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, wuxuu adkeeyay in Dowladda Federaalka iyo Hirshabeelle ay si buuxda ugu mideysan yihiin dadaallada lagu sugayo amniga, isagoo xusay in wada-shaqeynta labada dhinac ay muhiim u tahay xasilloonida dalka.

Warkan ayaa imaanaya xilli saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu baahiyay muuqaalo muujinaya cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor oo ku sii jeeda gobolka Shabeellaha Dhexe, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin ujeedka dhabta ah ee dhaqdhaqaaqooda.

Warar kale oo aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex diyaaradood ay ciidamo dheeraad ah ka dajiyeen magaalada Jowhar, taasoo sii kordhisay hadal-heynta ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada militari ee halkaasi ka socda.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya wali si toos ah ugama hadlin ciidamadan la geeyay Jowhar, hase yeeshee waxaa jira warar tilmaamaya in dowladda ay diyaarinayso doorashooyin isku sidkan oo ka dhici doona dowlad goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo la xiriira in ciidamada la daabulay ay door ku yeelan doonaan sugidda amniga goobaha doorashooyinka, inkastoo mas’uuliyiintu ay si cad u sheegayaan in ujeedkoodu yahay la dagaallanka kooxaha amni darrada wada.

Xaaladda Jowhar ayaa weli ah mid isha lagu hayo, iyadoo dhaq-dhaqaaqyada ciidan iyo hadallada is-khilaafsan ay muujinayaan marxalad siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah oo ka taagan gobolka Shabeellaha Dhexe.

WARARKII KALE

Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka...

Iiraan oo laba markab oo shidaal ah dib uga celisay Marinka Hormuz

Wakaaladda wararka Tasnim, oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka...

Madaxweynaha hirshabelle oo shir gudoomiyay kulanka Golaha wasiirada hirshabelle

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey...

Midowga Afrika oo si adag uga horyimid wakiilka ay Israa’iil u magacowday Somaliland

Ururka Midowga Afrika ayaa si kulul uga hadlay wararka...

Axmed Madoobe oo ku laabtay Kismaayo iyo abaabul socda

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),...

Dalal badan oo ka soo horjeestay Safiirka ay Israel u magacowday Hargeysa

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo caalamka ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles