Dalal badan oo ka soo horjeestay Safiirka ay Israel u magacowday Hargeysa

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo caalamka ah ayaa si kulul uga falceliyay go’aan ay Israel ku shaacisay inay wakiil diblomaasiyadeed u magacowday waxa ay ugu yeertay “Somaliland”, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid si toos ah ugu xadgudbaysa madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dalalkan oo ay ka mid yihiin Qatar, Kuwait, Sacuudi Carabiya, Masar, Soomaaliya, Sudan, Liibiya, Bangladesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkiga, Indonesia, Pakistan, Mauritania, Urdun iyo Cumaan ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo si adag u cambaareynaya arrintan.

Bayaanka ayaa si cad u qeexay in tallaabada Israel ay tahay mid ka hor imaaneysa mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah, gaar ahaan ixtiraamka madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubnaha ka ah beesha caalamka.

Wasiirradu waxay carrabka ku adkeeyeen inay si buuxda u diidan yihiin tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, iyagoo muujiyay taageero aan leexleexad lahayn oo ay u hayaan midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu xusay in hay’adaha rasmiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay yihiin kuwa kaliya ee matala shacabka Soomaaliyeed, taasoo meesha ka saaraysa isku day kasta oo lagu marin habaabinayo xaqiiqada siyaasadeed ee dalka.

Dalalkan ayaa sidoo kale ka digay in go’aanka Israel uu keeni karo cawaaqib xumo halis ah oo saameyn ku yeelata xasilloonida Geeska Afrika, iyagoo tilmaamay in arrintani ay khatar ku tahay nabadda iyo amniga gobolka.

Ugu dambeyn, bayaanka ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay dhaawici karto xasilloonida caalamka, loona baahan yahay in si degdeg ah looga fiirsado si looga hortago xiisado hor leh oo ka dhasha gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles