Booliska Soomaaliya oo sheegay in G/Sh/Hoose lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal qorsheysan oo loogu magac daray “WAABARI” oo laga fuliyay deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo dhacay 18-ka Abriil 2026, abaaro 9:00 subaxnimo, ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Gaarka ah ee La-dagaalanka Argagixisada iyo qeybta Baarista Dembiyada (CID), kadib markii la helay xog sirdoon oo muujineysay dhaqdhaqaaqyo ay kooxdaasi ka wadeen deegaanka Jambaluul.

Ciidamada ayaa ku guuleystay inay burburiyaan bar kontorool iyo xarun ay maleeshiyaadkaasi uga qaadi jireen lacagaha baadda ah dadka rayidka ah, kuwaas oo ay ugu yeeri jireen “sakawaat”. Goobtaasi ayaa la sheegay inay ahayd meel muhiim u ah dhaqaalaha kooxda.

Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa dilay horjooge ka tirsanaa kooxda oo lagu magacaabi jiray Zakariye, kaas oo mas’uul ka ahaa jarista boonooyinka lagu qaadi jiray lacagaha baadda ah. Sidoo kale, waxaa lagu dhaawacay laba xubnood oo kale oo kala ah Xasan Cabdiraxmaan oo ahaa mas’uulka deegaanka Jambaluul iyo nin kale oo lagu magacaabo Geele.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in ciidamada ay goobta ka heleen caddeymo muhiim ah oo ay ka mid yihiin boonooyinkii lagu qaadi jiray lacagaha, hub kala duwan iyo mooto uu lahaa horjoogaha la dilay.

Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalka “WAABARI” uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxaha argagixisada, laguna xaqiijinayo amniga shacabka ku nool gobolka Shabeellaha Hoose iyo guud ahaan dalka.

Ugu dambeyn, taliska ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, si loo xoojiyo la dagaalanka kooxaha argagixisada loona sugo nabadda iyo xasilloonida dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles